Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Yusuf Dabageed oo Beledweyne galay hubkiina laga dhigay

           (Updated:-Mon.12.May.2008)

dabageed_beledweyne1Beledweyne(BNN):- Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in uu halkaasi saaka gaaray Guddoomiyihii hore ee gobalkaasi Yusuf Dabageed oo in muddo ah ku sugnaa duleedka magaalada.

Yusuf Dabageed ayaa maanta soo galay magaalada ayadoo ay galbinayaan ciidamo Itoobiyaan ah wuxuuna haatan ku sugan yahay gurigiisa ku yaal magaalada Beledweyne.

Yusuf dabageed oo watay gaadiid badan oo Tikniko ah oo gaaraya 10 ayaa waxaa la xaqiijiyey in hubkaasi ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya ayadoo aan la aqoon in hubkaasi loo gacan gelin doono maamulka cusub ee Dowlada federaalka dhawaan u magacwoday Hiiraan.

Balse Yusuf dabageed aya asagu ku adkeysanayey inuu weli yahay Guddoomiyaha gobalkaasi inkastoo xilkaasi uu ka xayuubiyey Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde.

Yusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaan saxaafada wax war ah siin markii uu soo galay magaalada ayadoo horey looga bartay inuu ka khudbadeeyo goobaha dadka ay isugu soo baxaan. Magaalada ayaa hada isu socodkeedu yar yahay kadib markii ay magaalada maanta soo buuxiyeen ciidamo Itoobiyaan ah taasi oo cabsi gelisay shacabka halkaas ku dhaqan.
 

Hormedia

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye