Burco (BNN)- Cuqaasha
Gobolka Togdheer ayaa ku baaqday inay cidkasta oo
nabadda oo wax u dhimaysa ama khalkhal abuuraysa ay
dhinac uga soo wada jeestaan
Kulan balaadhan oo dhexmaray cuqaasha Gobolka
Togdheer iyo Maamulka gobolka ayna ka soo qaybgaleen
xubno ka mid ah guddiga nabadgalyada, Isla markaana
lagaga arrinsanayay sidii loo wada illaalin lahaa
nabadgelyadda gobolka ayaa shalay lagu qabtay
xarunta cuqaasha ee magaalada Burco.
Haddaba, bayaan ay cuqaashu gebagabadii kulankaa ka
soo saareen kuna saxeexnaayeen in kabadan
toddobaadan Caaqil ayaa waxa uu dhignaa sidan:
“Haddaanu nahay cuqaasha Gobolka Togdheer markii
aannu shir isugu nimi ay nagu waheliyaan maamulka
gobolka iyo xubno ka mid Guddiga Nabadagalyada
waxaannu isla garanay, annagoo ka duulayna xaaladda
nabadgalyada gobolka, waxaannu isla garanay in
cidkasta oo wax u dhimmaysa ama ka shaqaynaysa
burburinta nabada, waxna ugu dhimmaysa xaaladda
nabadeed ee gobolka, in aanan ka yeeli doonin oo
dhinac uga soo wada jeedno, isla markaana gacan bir
ah ku qaban doono, una dulqaadan mayno in khalkhal
iyo fawdo laga abuuro Gobolka Togdheer
Sidaas darted, waxay cuqaasha Togdheer ugu baaqayaan
cuqaasha gobollada kale ee dalka inay ku fara
adaygaan nabadgalyada yar ee ay haystaan.
Qoraalkan cuqaasha oo ay ku saxeexnaayeen in ka
badan toddobaatan caaqil ayaa waxa ka mid ahaa:
Caaqil Cali suldaan Rooble.
Caaqil Cali Cabdilaahi Muuse.
Caaqi Aadan Carb jaamac.
Caaqil Cawil Cabdi faarax.
Caaqil Xasan Maxamed Xandule.
Caaqil Sugaal Cabdilaahi Carab.
Caaqil Maxamed Cumar Dhuule.
Caaqil Cismaan Saleebaan Diiriye.
Caaqil Cumar Axmed Jaamac.
Caaqil Muuse Axmed Yaasiin.
Caaqil Cabdillaahi Cali Ismaaciil
Caaqi Xirsi Diiriye Maxamed.
Caaqil Ibraahin Ismaaciil Yaan Ismiidh.
Caaqil Aadan Maxamed Naaleeye.
Caaqi Maxamed Biixi Wacays.
Caaqi Maxamed Yuusuf Axmed.
Caaqi Mubaarig Yuusuf Xirsi.
Caaqil Cabdi Xirsi Galow.
Caaqil Yaasiin Cismaan Aadan
Caaqi Axmed Maxamuud Geeddi.
Caaqil Nuux X.Cabdillaahi Axmed.
Caaqil. Cabdiqaadir Cumar Diiriye….Iyo Xubno kale oo
badan
TogdheerNews..