Hargeysa (Bnn)-
Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka
jawaabay eedayn uga timid Gudoomiyaha Golaha
Wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro kaas oo
Golaha Wakiilada u sheegay inuu ka baxay
dhexdhexaadintii uu waday isla markana ku eedayey
madaxweyne Rayaale inuu isagu caqabad ku yahay
dhexdhexaadinta.
Madaxweyne Rayaale oo markay soo baxeen hadalka
Gudoomiyaha Wakiiladu la hadlay BBC-da ayaa usheegay
wariyaha BBC-da Hargeysa in gudoomiye Cirro uu ku
guuldaraystay inuu keeno wax cusub oo isku soo
dhawayn kara Labada dhinac, wuxu sheegay in
Gudoomiyuhu uu awoodi wayey inuu Mucaaradka ka
dhaadhiciyo wixi sharci ah, isagoo Madaxweynuhu
sheegay in Mucaaradku ay diidan yihinba Golaha
Guurtida sharcinimadiisa, isagoo Gudoomiye Cirro
gudoomiye u ah buu yidhi Golaha Hoose ee Wakiilada.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxu intaa ku daray
inuu u sheegay Gudoomiye Cirro inuu iska joojiyo
dhexdhexaadinta uu waday mar haduu aanu keenin wax
cusub, isla markana u baneeyo Qolooyinka kale ee
Hawsha ku filan ee wadi kara.
Hadalka Madaxweynaha ayaa laga dhadhasan karaa inuu
ujeedo Akadhamiga nabada iyo horumarinta ee
Magaalada Hargeysa taas oo mudooyinkii u dambeyey
iyaduna Gaarkeeda iskugu dayeysay inay
dhexdhexaadinta ka dhex sameeya Mucaaradka iyo
Muxaafadka,
waxana Madaxweynaha Hadalkiisa ka muuqday inaan gabi
ahaanba burburin Dhexdhexaadintii la waday balse
Gudoomiyaha Wakiiladu uu waxba wadi kari wayey, isla
markana ay jiraan dad kale oo dhexdhexaadinta wadi
kara.
Borama News Network
Hargeysa Office