|
|
|
|
|
|
|
Gudoomiye Cirro oo ka Baxay
Dhexdhexaadintii, Rayaalena
Eeda Dusha u Saaray |
|
|
|
(Updated:-Mon.12.May.2008) |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Hargeysa (Bnn)- Gudoomiyaha
Golaha Wakiilada JSL Md C/raxmaan Maxamed C/laahi
Cirro ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba joojiyey
dhexdhexaadintii uu ka dhexwaday Dowlada iyo
Asxaabta mucaaradka ah.
gudoomiye Cirro oo u waramyey fadhigi golaha
wakiilada ee maanta ayaa sheegay inuu soo bandhigay
Sideed qodob oo uu doonayey in lagu heshiiyo kuwaas
oo ay intooda badan la isku afgartay.
balse buu yidhi ay xukuumada madaxweyne Rayaale
caqabad ku noqotay dhamaanba dhexdhexaadintii la
waday, kadb markii buu yidhi ay ku adkaysatay inay
Mucaaradku marka hore aqbalaan in golaha Guurtidu uu
yahay sharci waxa kasoo baxana ay tahay sharci oo
sideeda loo fuliyo, ayna ogoladan muddo kordhinta ay
Madaxweynaha iyo kuxigeenkisa usameeyey, taas oo uu
Madaxweynuhu sheegay inay furo u noqon karto wada
hadal kasta oo la yeelanayo.
Gudoomiye Cirro wuxu eeda burburka Dhexdhexaadinta
dusha usaaray Xukuumada Madaxweyne rayaale oo buu
yidhi ku adkaysatay Shuruud ah in Mucaaradku
ogoladan Muddo kordhinta, taas oo ay si weyn u
diidan yihin labada Xisbi ee Mucaaradka ah.
Wuxu sheegay inuu isku dayey inuu isa soo hor
fadhiisiyo Madaxweyne Rayaale iyo Labada gudoomiye
ee asxaabta mucaaradka balse uu madaxweynuhu arrinka
ka gaws adeegay.
C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro gudoomiyaha Golaha
Wakiilada JSL ayaa isku khil qaaday inuu
dhexdhexaadin ka galo Muranka siyaasadeed ee ka
aloosan Asxaabta dhexdooda, isagoo muddo 25 cisho ah
isku dayey inuu isku soo dhaweeyo labada dhex balse
hadda ay muuqato inuu ku guul daraystay
dhexdhexaadinti.
Borama News Network
Hargeysa Office
|
|
|
|
|
|
|
|
|