Hargeysa (Bnn)- Taliyaha
Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Col. Maxamed
Saqadhi Dubad ayaa beeniyey war sheegaya in
Madaxtooyada Somaliland iibinayso Xaafada Liinka
Booliska ee Magaalada Hargeisa.
Col. Saqadhi oo dabo joogay War kusoo baxay
Wargeyska Haatuf Cadadkiisii 1726 ee Maanta ayaa
sheegay in warkaasi yahay been iyo xaalad abuur uu
wargeysku iska qoray, wuxuna intaa ku daray in aan
caqli gal ahayn in Madaxtooyadu iibiso Xaafad dhan
oo Ciidanka Boolisku leeyahay.
Col. Maxamed Saqadhi Dubad taliyaha ciidanka
Booliska Somaliland wuxu sheegay in wargeyska haatuf
caadaystay inuu faafiyo been abuur iyo warar aan sal
iyo raad toona lahayn isagoo uga jeeda kicinta
dadweynaha, wuxuna ugu baaqay wargeyska inuu ka
waantoobo wararka beenta ah ee uu maalinkasta
shacabka usoo bandhigayo.
Taliyuhu wuxu intaa ku daray in looga fadhiyo
wargeyska Haatuf inuu keeno cadeen muujinaysa warka
uu qoray hadii kalena sharciga lala tiigsan doono.
Wargeyska Haatuf ayaa qoray war sheegaya in
madaxtooyadu damacsan tahay in la iibiyo Xaafada
Liinka Booliska ee Magaalada Hargeysa, Xaafadaas oo
ku taal meel Strategy ah oo magaalada Dhexdeeda ah,
iyadoo u dhaw saldhiga dhexe ee magalaada Hargeisa
iyo Baanka Dhexe Hargeisa, waxa kale xaafada
dhinacyada kaga Hareeraysan dhismaal gaar loo yahay
oo ay ka mid yihin, Xarunta Dahabshiil Gargaar,
Xarunta Xawaalada Mustaqbal, Xarunta Cusub ee Hada
loo dhisayo Xawaalada Qaran, Shirkada ku cusub
Hargeisa ee Somtel, Kaalinta weyn ee Cajab, Dhismaha
Cusub ee loo dhisayo Xarunta Guud ee Dahabshiil.
Waxana afarta geesodba ka mara wadooyin, iyadoo
dugsiga hoose/dhexe ee sheekh bashiirna uu kaga yaal
dhinaca galbeed.
Borama News Network
Hargeysa Office