Hargeysa Office(Bnn)-Koomishanka
Doorashooyinka Qaranka iyo Akadhamiga nabada iyo
horumarinta Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay gogol
dhexdhexaadineed u fidnayaa Muxaafidka iyo
Mucaaradka Somaliland.
Wasiirka Xidhiidhka Golahayaasha Md. Cabdi Xasan
Buuni ayaa sheegay in Koomishanka Qaranka iyo
Akadhamiguba isku xilqaamayn sidii ay usoo dhex gali
lahayeen Dowlada iyo xisbiga UDUB oo dhinac ah iyo
UCID iyo KULMIYE oo dhinac ah kuwaas oo isku haya
mudda halka sano ah ee Golaha Guurtidu u kordhiyeen
Madaxweyne Rayaale iyo Kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf
Yaasin.
Dhexdhexaadinta cusub ee ay wadaan Koomishanka iyo
Akadhamigu ayaaa ka dambeysay kadib markii ay fashil
ku dhamaatay dhexdhexaadintii uu waday Gudoomiyaha
Golaha Wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,
kaas oo sababta burburka dhexdhexaadinta dusha
usaaray Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisa, isagoo
ku eedayey in waxkasta ka socon waayen dhinaca
Madaxweynaha oo ku adkaystay in marka hore la
ogolaado in muddo kordhinta guurtidu ay tahay sharci.
eedayntaas oo uu Madaxweyna Rayaalena si adag uga
jawaabay isagoo sheegay in gudoomiyhu ku fashilmay
dhexdhexaadinta wax cusubna keeni waayey, isla
markana uu Madaxweynuhu usheegay in haddi uu waxba
socodsiin kari wayey uu cid uga faro dhuudhuuban u
baneeyo hawsha dhexdhexaadinta.
lama oga halkay ku dambeyn doonto dhexdhexaadinta
cusub ay bilaabayan Koomishanka doorashooyinka iyo
Akadhamiga nabad iyo horumarinta, iyadoo hadalkii
madaxweynaha ay ka muuqatay inuu taagersan yahay
dhexdhexaadinta ay horeba u bilawda Akadhamiga oo
iyaduna dhinaceeda si gaar ah u waday.
Borama News Network
Hargeysa Office