Marka laga hadlayo siyaasda
arimaha dibada ee USA ee ku wajahan caalamka inta
badan waxa ay ka eegaan mar kasta fanahooda gaarka
mana tix galiyaan hadii aanay wax maslaxad ahi aanay
iayag ugu jirin wixii dana ah ee ay ka leeyihiin
addunnka waana sida inta badan ay tahay siyaasada
arimaha dibada ee dawladaha waawayn oo dhan, hadab
maraykanku marka uu arinta S/land iyo Somalia ka
hadlayo ama danta uu ka lee yahay waa mid inta badan
wajiyo badan laakiin isku dhaw dhaw.
Madaxda ama siyaasiyiinta Soomaalida inta badan
waxay maraykanka ugu kala qaybsan yihiin Hogaamiyo
kooxeedyo iyo madax goboleedyo, hogaamiue
kooxeedyada ama qabqabyaasha dagaalka inta badan waa
kuwa ka jira koonfurta Soomaaliya kuwaas oo uu
aaminsan yahay in aanay dhaxal jiritaan oo badan
lahayn laakiin waa in uu ka gaadhaa dantiisa gaarka
oo ay ugu horayso la dagaalanka argagixisada oo ay u
shaqeeyaan sidii boolis oo kale ama war tabiyayaal
macluumaad keenaan oo markaa sirdoon ahaan looga
faa’iidaysto, taasina waxaa daliil u ah in aanu
Maraykanku ilaa hada aqoonsan dawlada C/laahi Yuusuf
oo loo ogolaan waayey safaarad in ay ka furtaan
Cariga Maryakanka ama isaguba Muqdisho ka samaysto
mid taa badalkeed waxaa meesha masuulka ka ah nin ka
mid ah shaqaalaha safaarada Maraykanku ku lee yahay
Nayroobi kaasina inta badan hawlaha amniga iyo la
dagaalanka Argagixisada waxa lagu magaaco ayuunbuu
xooga saaraa.
S/land waxaad moodaa sidaa waa ka duwan tahay oo
waxaa loola dhaqmaan inkasta oo aanu dawlad ahaan u
aqoonsanayn hadana madax la soo doortay oo matalaya
dadkooda.
Kuli siyaasi kasta oo soomaaliyeed oo taga
Washington ma dhaafi karo Jainday Freezer oo ah
shaqaalaha wasaaarada arimaha dibada ee maraykan ka
tirsan taasi ayaan fayl siyaasdeedka Soomaaliya
gacanta ku haysa
C/laahi Yuusuf iyo waftigii la socday waxay aad
xooga u saareen bal in ay mar uun ku indha
qabowsadaab masuul ka sareeya haweenaydaas laakiin
waa ku salaaxi waayeen waxaana la xusuusiyey wali in
uu yahay hogaamiye kooxeed xaga magaca kaliya uun ka
yara korday laakiin aan wali biyo is marin oo aan
xataa caasimada wadanka wada xukumin taasi kuuma
suura galinayso ayaa la dhahay in aad dhaafto Mrs
Freezer.
Hadaba dane waa seetee waa iska aqbalay in uu ka soo
huleelo isaga oo aan dhaafin halkaas
Inta badana Maraykanku waxa uu tix galiyaa
saaxiibadiisa gobolka marba aaraada ay qabaan ee ay
u soo jeediyaan waayo waxay isaga ugu muuqdaan in ay
ka yaqaanaan Soomaalida oo ay daris la yihiin sida
loola dhaqmana ay aad u garanayaan waana ta keenta
in aanu had iyo jeer waxa ay rabaan aanu dhaafin ama
uu ku taageero waayo waxa ay ka furanayaan dhibaato
wayn oo ahayd in uu isagu marar badan u soo
tafaxayto
Hassan cisse
Borama Boramanews.com