Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Sir culus oo laga hilay DFKG Ee Somalia

           (Updated:-Mon.12.May.2008)

 Warar sugan oo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo muhiim ah oo ku dhow dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ayaa sheegaya in safarki uu madaxweyne C/llaahi Yusuf ku tegay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Washington DC wuxuu shir isugu yeeray xubno ka soo jeeda beesha uu ka dhashay ee DAAROOD. Shirkaas wuxuu ugu sheegay in fursad aad qaali u ah ay beesha Daarood heysato maanta, loona baahan yahay in ay ka faa'iideysato, isagoo intaas u raaciyay in ay dalka soomaaliya ku soo laabtaan.

Mar uu ka hadlayay fursadaha aad qaaliga u ah ee ay beesha daarood heysato ayuu ku yiri: Fursadaha aan heysanno oo aan ku dhayi karno boogihii iyo dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray beesha daarood una geysatay beesha HAWIYE waxaa ka mid ah:

1. Hoggaanka sare ee dowladda federalka ah oo maanta gacanteenna ku jira

2. Quwad ciidan iyo qalab dhameystiran oo aan ka heleyno dowladaha Mareykanka iyo Ethiopia.

3. Sida aad ogtihiin beesha Hawiye waxay leedahay Prime minister-ka waxaana ka xulaa mid maqaar saar ah oo u adeega danaha beesha Daarood.
4. iyo in aysan jirin amaba jiri karin cid hor istaagi karta haddii aan isku darsanno labada awoodood ee ugu sareeya dowladda oo ah Madaxweynaha iyo Prime ministerka ee dalka ku soo noqda.

Warku wuxuu intaa ku daray in xubin ka mid ah xubnaha uu shirka u qabtay Madaxweynuhu mar uu dhiibanayay fekerkiisa ku aaddan hadalka Madaxweynaha uu gaashaanka ku dhuftay isagoo madaxweynaha u sheegay in aysan suuragal aheyn hadallada guubaabada ah ee uu soo jeediyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku saleysan qabiilka aanan waxba lagu heleyn, tan kaliya ee wax lagu heli karaana ay tahay midnimo soomaali. Madaxweyne Yusuf oo aad u necbeystay fekerkaas ayaa si caro leh ugu jawaabay shaqsigaas ereyo aad ka dheehan kartid carada hadalkaasi ka keenay isagoo yiri: (Fulay Hadalkiisu qabasho ma laha), dalkuna maanta annaga ayuu gacanta noogu jiraa haddey ahaan laheyd xag siyaad, xag dhaqaale iyo xag quwad ciidan intaba.

wixii intaa dheer ee nag waxaad kala socotaan webkan casriga ah ee "BNN" "boramanewsnetwork"


Boramanews.com
(BNN)
Abdoulkarim Qamaan Ali "Fiiri"

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye