Boorama(Bnn)Hayada wadaniga
ah ee SOSTA[somaliland Skills Training Association]
ayaa shalay u qaybiyay dadka deegaanka jir Jir ee
degmada Boorama deeq caawimo ah oo isku jirta
dhar,iyo qalab kale oo dhamaantood loogu talo galay
haweenka .

Deeqdan oo uu ururka SOSTA u qaybiyay ilaa boqol
haweenka deegaanka jir jir ah waxa uu ka helay
hayada UNFPA xafiiskooda Hargaysa waxaana ku
dambeeyay qiimayn hore oo ay hayadan Wadaniga ah ee
Sosta ugu soo samaysay deegaano ay ka mid yihiin Jir
Jir, Baki, Garbadadar, Fardo lagu xidh xiligii ay
deegaanadaas ka da,een roobabkii duufaanada barafka
ah watay oo dadka caydh iyo saboolnimo kaga tagay
markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay haysteen.

Deeqdan waxa qaybinteeda goob joog ka ahaa
masuuliyiin ka tirsan xafiiska maamulka G/awdal gaar
ahaan xoghayaha xafiiska gobolka C/laahi Xuseen
Aare,xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee
degmada Boorama oo uu ka mid ahaa xildhibaan Halas,
dqaar ka mid ah duqayda deegaanka iyo agaasimaha
Hayada wadaniga ah ee SOSTA Eng.Dheeg Maxamuud
Ducaale iyo hawlwadeeno kale oo ka tirsan xafiiska
Sosta.

Agaasimaha SOSTA Eng Dheeg ayaa sheegay inaanay
deeqdani intan ku koobnayn oo ay deegaanada kale ee
ay hore u soo qiimeeyeena ay u soo socoto dhawaana
ay gaadhsiin doonaan, waxa kale oo uu ka waramay
hayadan Sosto oo sidoo kale ku hawlan tababar
xirfadeedyo kaladuwan oo ay u fidiyaan inka badan
todobaatan arday oo rag iyo haweenba isugu jira
iyada oo ay sidoo kale u qorshaysantahay inay
gaadhsiiyaan dugsiyadan tababarka firfadaha dhamaan
deegaanada kale ee Gobolka.
Dhinaca kale dadka deegaanka Jir Jir ayaa hayada
Sosta uga mahadnaqay deeqdan caawimada ah ee ay soo
gaadhsiiyeen oo ah mid ay aad ugu baahnaayeen.
Cabdiraxmaan Mahamed Habanne
Boramanews.com Borama