Hargeysa (Bnn)-
warsaxafadeed ay soo saarayn Guddida doorashooyinka
qaranka ee SL ayay daboolka kaga qaadayn in maanta
ay bilaabayn dhexdhexaadinti Xukuumada iyo labada
xisbi ee mucaaradka ah.
Warsaxafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha
Koomishanka Qaranka Md. Kabaweyne waxa lagu sheegay
in isla maanta fadhi lagu qabtay xarunta Akadhamiga
nabada iyo horumarinta ee magaalada hargeysa ay
iskugu imaadayn seddexda xisbi qaran, halkaasna ay
uga furantay dooda dhexdhexaadintu.
Koomishanka Doorashooyinku waxay warsaxafadoodooda
ku sheegayn in looga baahan yahay Saxaafada Madaxa
banan inay ilaaliyaan anshaxa saxaafada oo aynay
buunbuunin dhacdooyinka yaryar, iyagoo usoo jeediyey
saxaafada inay wadaniyad la yimaadan.
Dhexdhexaadinta Koomishanka Doorashooyinka iyo
Akadhamiga Nabada ayaa ka dambeysay kadib markii
shalay uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Golaha Wakiilada
Md. Cirro inuu faraha kala baxay dhexdhexaadintii uu
ka dhex waday Dowlada iyo Asxaabta Mucaaradka ah
isagoo eeda dusha u saaray Madaxweyne Rayaale iyo
xukuumadiisa,
markii uu ku dhawaaqayn Gudoomiye Cirro eedaynta uu
u jeediyey Xukuumada ayaa isla markiiba waxa jawaab
kulul ka bixiyey Madaxweyne Rayale oo sheegay inan
gudoomiyuhu keenin wax cusub oo xalin kara
khilaafadka, islamarkana uu u sheegay inuu ubaneeyo
waanwaanta cid uga faro dhuudhuuban.
Salaadiinta Somaliland ayaa maanta la arkayey iyagoo
wada kulamo gaar gaar ah oo ay doonayan inay kusoo
afjaran khilaafka cakiran ee ka oogan siyaasada
Somaliland, iyadoo Mucaaradka iyo Dowladuba ay
sheegayn inay soo dhaweenayaan dhexdhexaadin kasta
iyo cidkasta oo soo dhexgalaysa,
lama oga halkay ku dambeyn doonto waanwaantan hada
la wada balse dadka magaalada ayaa si aad ah ugu
dhagtaagaya waxa kasoo baxa kulamadan iyagoo rajo ka
muujinaya in ugu dambeyntii wax lagu heshiin doono.
Borama News Network
Hargeysa Office