Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xaflad Si heersare ah loo agaasimay Oo Loo qabtay Arday ka qalinjabisay fasalada Afaraad ee Dugsiga sare ee sheikh Ali jawhar

           (Updated:-Tue.13.May.2008)

 Boorama(Bnn)Xaflad si balaadhan loo  soo  agaasimay ayaa waxaa maanta  lagu qabtay dugsiga sare ee sheikh Ali jawhar secondry  school, xafladan ayaa waxaa soo  qaban-qaabiyey  ardayda fasalada afaraad(from four) oo  ah ardayda sanadan ka baxaysa  dugsiga. 

Xafladan ayaa waxaa ka soo  qayb galay marti sharaf badan oo  ka kala socota bulshada rayidka, culumada diinta,wasaarada waxbarasha ,iyo waliba Suldaano.

 

Ugu horay waxaa halkaa ka hadashay Dr.Nimco X.Abakor oo dhamaan aradayda ku boorisay inay sii wataan waxbarashadooda ilaa heer jaamacadeed ,

 

Dr. Nimco waxaa  hadalkeedii ka mid ahaa “dhamaan ardayeey waxaa tihiin dhallinyaro da yar waxaanad haysatiin waqti aad waxbarashadiina ku sii korodhsataan markaa waxaa inigula dardaarmayaa inaan waxbarshada aanad halkaa kaga hadhin ee  aad sii wadataan.

 

Waxa kale oo ka mid ahaa marti sharaftii halkaasi ka hadashay Suldaan Saleebaan, sheikh Cali Aadan oo ka mid ah Culumada diinta magaalada borama ,Maxamed Bule oo ka mid ah wasaarada waxbarasha ee Gobalka Awdal iyo waliba marti sharaf kale oo  dhamaamtood ardayda ku booriyey inay ku dadaalaan waxbarashadooda.

 

Intaa ka dib waxa isaguna halkaa  ka hadalay Gudoomiya Ardayda Dusiga sare ee sheikh Ali jawhar secondry  school  Nuur Muuse Geedi oo  isaguna ka sheekeeyey wax-qabadkii ardaydii hare iyo waliba wax ay qabteen sanadkan.

 

Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxa ay soo qabteen ardaydii hare ee ka baxday dugsigani waxaa ka mid ahaa iibinta Cumputero iyo galinta qasabada biyaha, Wax qabadka sanadan oo ka weyn wax-qabadadii hare ayaa wax uu yahay in aan dusiga xuduudihiisa sugnay waxaanan ku soo wareejinay dayr,Dayrkaas oo ay ka qayb qaateen dhamaan bulshada reer Borama.

 

Ayaguna waxaan meesha ka madhnayn Habalaha oo kaalin lixaad leh ka qaatay qabanqaabada xaflada iyo waliba daadihinta xaflada, waxa kale  oo  halkaasi ka muuqday ardayda qalin-jabinaysa oo ku labisnaa  dirays isku eeg iyo waliba calanka Somaliland.

 

  

Isku soo wada duuboo xafladaha noocan ah ayaa waxa ay  noqdeen kuwo iska caadi ah oo ay qabtaan ardayda sanadkaasi ka baxaya dusiga sare ee sheikh Ali jawhar secondry  school

 

 

Abdiaziz Mohamed Elmi
Borama Boramanews.com

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2008 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye