Marka aad u fiirsato
sayladaha lagu kala gato xoolaha ee wadankeena waxaa
kuu muuqanaya oo soo baxaya in ay ka jiraan dhibaato
fara badan oo lagu hayo Nicmoolayda Ilaahay inoogu
deeqay waxaana lagu kala iibsanayaa meeshaa xoolihii
dhaqmaadka ahaa oo la rabo in la qalo oo bariba
manaafacaadkoodii dhamaato.
Nirig yar oo dhawaan
dhashay
Cabdi Aadam waa
ganacsade reer Boorama ah waxaanu war war wayb ka
muujiyey fowdada ganacsiga xoolaha ka jirta waxaanu
yidhi mar uu ii waramayey waxaad ku arkaysaa
Sayladaha wadankeena xoolihii mamnuuca ka ahaa
qalitaanka oo meesha lagu kala iibsanayo waxaana ka
mid ah ayuu yidhi waxaraha yar-yarka ah, Naylaha,
Waylaha, Nirgo iyo Xoolaha ugubka ah intaasibna waxa
ay ahaayeen in laga dhawrsado oo aan ganacsi la
keenin hadii ay dhacdana dawladaha Hoose in ay wax
ka qabtaan oo ay kala saaraan xoolaha hilin ahaanta
loo cuni karo iyo kuwa aan la ogalayn hadii ay
sidaas ku sii socotana waxaa dhawaan dhacaysa ayuu
hadalkiisii ku soo gabagabeeyey in ay xooluhu inaga
tafiir go'aan oo la waayo wax dhaqmaad ah.
WAXARO
waa dhibaato muuqata
arinta cabdi ka dhawaajiyey ayna tahay in cidii ka
masuul ah ama wax ka qaban kartaa daryeelka
xoolahaas in ay u guntadaan waayo waa khayraadka ugu
balaadhan ee aan haysano kuwaas oo u baahan in si
xikmad ah looga faa'iidaysto lana daryeelo oo markaa
laga dhigto wax ummada wax u wada taraya.
WAYLO
Xoolaheena waxaa
waayadii hore la daryeeli jiray noloshooda oo dhan
iyada oo la kala saari jiray kan dhaqmaadka ah iyi
kan kale ee iibka ama hilibka noqonaya hadii
dadwaynuhu ilaalin waayaana waa in ay dawladu
ilaalisaa oo cid u xil saaran jirtaa sida wasaarada
xanaanada xoolaha iyo dawladaha hoose waa in ay
hawlahooda isgu geeyaan sidii ay dadka u wacyi galin
lahaayeen loona kala bari lahaa wixii dhaqmaad ah
iyo wixii la isticmaali karo mid walbana meesha uu
ku fiican yahay looga faa'iidaysanayo cidii u
hogaansami waydana lala tiigsado Qawaaniin iyo
sharciyo ad adag oo arintaa dawladu ka soo saarto
Borama News
Borama Office