Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Habloow Walaalo Huunno.!
By
Cabdiqani Yuusuf Caateeye

     (Updated:-(Sat.1.Dec.2007)
Aad iyo aadbaan ula dhacay taageerada talo iyo tusaalahana leh, kuna salaysan murtida toosan, ee haweenka reer Boon UK, u fidiyeen dhismaha dugsi sare oo Boon yeelato.  Waa iska xaal adduunyo, oo Aadan Isaaq Axamad Iidle (Allaha u Naxariisto) dabadii, cidina dugsi uma dhisin Boon, oo ka mid ah dhulka ugu qadiimisan xaddaaradda Awdal.
 
Hadaba Xaawaleeyda waxan leehay;  marba hadaad idinku bisinka ku billowdeen  dugsigaasi sare ee Boon, bal halloo bixiyo magac ka tarjumaya haweenka Boon ee karaamada leh. Magacaasna, anuu waxaban u dooran lahaa ISNIINO Secondary School – Boon.  Isla haweenka reer Boon ee UK, waxan ka codsanlahayn inay iyaga laftarkoodu noo furaan qasnadii an qaadhaanka dugsigan ugu soo ridi lahayn, iyaga laftarkooduna maamulka qasnadaas noo hayaan.
 
Ragii reer Boon ahaana waxan leehay,  hawlbaa innoo taalla, oo nin murtidiisa dhiiba, iyo nin maal dhiiba, iyo nin muruqiisa dhiiba, iyo nin maskaxdiisa dhiibaba , hurdo way inaga dheertahaye inaga dhaqaajiya meesha.
 
Hadal hablaha (aniga xagayga waa hablahayagiiye) Boon UK ayaa dhammeeyay, aniguna waxan ugu darayaa hambalyo iyo bogaadin  iyo duco kal iyo laab ah. Taasi oo an kusoo koobayo maansada an ugu magac daray “Habloow Walaalo Huunno”:
 
Habloow walaalo huunno
Haweenka Boonoow heedhe
Hayb kuwaan wadaagnoow haye
Hambalyo iga hanta Aaddo
Hibiyo ducana iga hooya
 
Hadii iyo haddaadba haatan
Haantiyo sufraarka haysaan
Hawl iyo safar u hogateen
Hadasheena heelliyo maansiyo
Hurdo ka haw dhaha tidhaahdeen
 
Haddii iyo haddaadba haatan
Hadaaqii Boon tidhi hayaayda
Hibitiqladii ilmada ka hoortay
Ku hambabariseen haybteedii
Halbawlihiyo dhiiga huriseen
 
Haddii iyo haddaadba haatan
Himiladay horseeday Booniyo
Higsateenba hays caawisadii
Hooy waxbarasho heer sariyo
Hirgalin dugsi haleesheen
 
Ilaahba hodanoo hanti lehe
Isagaan hadhaynoo hodmayne
Hiilbaa laga helaa iyo hooye
Inuu na habeeyo na hogaansho
Habloow ku hibeeya ducadana……Aaaaaaaamiiiiiiin……..
 
 
Sidaa Iyo Guul Dugsiga Boon iyo Gobsanaa Hablahayagu.
 
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
 
HiilDan
 


 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye