Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Wasiirka Arrimaha Dibada Ee itoobiya Oo sheegay Inayn Joogi Doonaan Somalia

         (Updated:-(Mon.19.Nov.2007)

Mogadishu(Bnn) Wasiirka arimaha dibada ee wadanka Itoobiya Siyuum Musfin ayaa mar kale ka hadley ujeedada ay ciidamada Itoobiyaanka u joogaan Soomaaliya, taasi oo uu ku macneeyey inay tahay gudashada hawshoodii oo ah inay caawiyaan Soomaalida si ay u helaan nabad iyo deganaansho.

Isagoo la hadleyey Telefishinka BBC World xili uu booqanayey magaalada London ayku sheegay in Itoobiya ay fulinayso codsi qoraal ah oo uga yimid DFKMG ah ee Soomaaliya si loo caawiyo, waxaana uu sheegay in haatan inta badan Soomaaliya ay ka jirto nabad buuxda.

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiyaan iyo Booliiska DFKMG ah ay si weyn isha ugu hayaan inaanay dhicin burbur soo gaara amaanka, waxaase uu sheegay inay ka qoomamaynayaan khasaaraha dhimashada ah ee soo gaaray dadka rayidka, waxaase uu ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab inay ka dambeeyaan khasaaraha isagoo waa sida hadalka uu u dhigay’e ku sheegay kooxdaasi inay u adeegsanayaan caruurta iyo haweenka gabaad dagaal isla markaana ku qasbaya inay horey u socdaan ama furimaha keenaan dadkaasi rayidka ah.

Siyuum Musfin ayaa waxaa la waydiiyey in ciidamada Itoobiyaanka ay kala kulmeen Soomaalida soo dhaweyn in kale ayuu wuxuu sheegay “waxaan la kulanay soo dhaweyn aad u wanaagsan, marka laga reebo Shabaabka taagta daran oo isku dayaya inay dad ku sii shidaan cadowtinimadii Soomaaliya iyo Itoobiyaanka.

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya ayaa waxaa la waydiiyey xiliga ay ciidamadooda kala baxayaan wadanka Soomaaliya, wuxuu sheegay Siyuum Musfin in aanay ka bixi doonin Soomaaliya aysana abuuri doonin jahwareer.

Wuxuu soo hadal qaadey Siyuum Musfin in sidaasi si la mid ah ay sameystey dawlada Ugandha oo ciidankeedu qayb ka yahay ciidamada Aimsom, sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan dawlado kale oo qorsheynaya inay ciidamo soo diraan, kuwaasi oo ay haysato dhibaato xaga logistikada ah.

Wasiirka arimaha dibada Itoobiya wuxuu ku eedeeyey beesha caalamka inaanay sidii loo baahnaa u gacan siineyn Dawlada KMG ah ee Soomaaliya oo uu sheegay inay sugayso in dhabarka laga riixo.

Siyuum Musfin wuxuu ku eedeeyey dawlada Eritrea inay qas ka wado Soomaaliya isagoo tibaaxay in ay ciidamo u dirtey Soomaaliya si ay ula dagaalamaan DFKMG ah iyo danaha Itoobiya oo uu sheegay inay gashey khatar weyn.
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye