Thursday, 20 December 2018 10:27

Mudadii Muuse xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gu’ jirsaday Kursiga, Isaga oo Durba sanad baarka ka jaray intii uu xilka hayey. Mudane Muuse oo loolankii ololaha ku galay halku dhigo ay ka mid ahaayeen BERI MAANTA DHAANTA oo uu kawaday Dawlad iyo Kulmiye dhaami doona dowladii Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee wakhtigaa jirtay, sidoo kale isku bedelkii Kursiga Kulmiye ka dhigay isbedel kuna naalooday Inuu soo wado wax qabad, dhaqaale kobcin, shaqo-abuur, dowlad kooban, cadaalad iyo ismaqal iyo wada shaqayn.

Dhaarna ku maray Sinaan iyo cadaalad ciddii u codaysay iyo ciddii ka codaysayba inaanu ukala Xaglin doonin oo HORE LOO SOCONAAYO.

Hadaba sanadka uu joogay xafiiska maka dhabeeyey halku dhigyadii iyo balanqaadyadii?

Marka si dhab ah loogu kuur galo waa Maya, waayo intii uu madaxweyne Muuse joogay waxaad moodaa in wadankii jar ka laalaadsamay oo uu dalaw inuu ka shalwado qarka u saaranyey, Haday tahay dhaqaale, cadaalad iyo maamul ba.

Dhaqaalaha ilaa intii uu muuse xilka qabtay Shillinkii Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa wuu sii qiimo dhacayaa, maciishadiina cirka ayey isku shareertay intii ay Somaliland jirtay meel aanu sixirbararku gaadhin ayuu gaadhay mudadaa. Halkii qorshe lagu maareeyo ay Xukuumada Mudane Muuse keeni lahayd waxay keentay Handaraab, kooto iyo xayiraad Taas oo sii cakirtay xaladii dhaqaale ee dalka sababtayna in muwaadiniin badan oo qaadaa-madherge ah ay galaafatay oo ay meheradihii isbixin kariwaayaan oo ay ka xidhmeen, halka kuwa ku xoogsada gaadiidka iyana Xayiraad iyo Xanimaad loogu gaystay iyaga oo lagu am’ray in aanay ka shaqaysan karin goobo kooban oo cayiman mooyee, sidoo kale in Shiidaalkii qaali noqday oo cidi goyn weydey iyaga oo ladaalaadhacaaya duruufaha suuqyada ka jira xayiraadna u dheer tahay in hadana qasab lagaga dhigay in taarikada gaadiidka badalaan oo iibsadaan tacusub ee Xukuumada Muuse Biixi si Lacag looga sameeyo muwaadiniintaa silicsan, shaqo abuur warkeed daa, iyana Danyartii waxay goyn kariwaayeen quutal-daruurigii oo way macaluuleen.

Dhanka kale Dalkii oo faraha ka baxaaya Taas oo ay sabab u tahay in shacabkii la dhex dhigay kala Qaybsanaan baahsan oo wax wada lahaanshihii meesha kabaxay markii muwaadiniintii loo kala Xagliyey loona kala Sad-buriyey kala fogaanshahaa ay caddaalad darada xukuumadu sababta utahay awgeed ay dhacday taariikhda markii ugu horaysay in maamul goboleed Soomaaliya ahi gudaha Jamhuuriyada Somaliland shir ku qabsadaan oo uu madaxweynaha puntiland dhex taxtaxaasho Somaliland siddoo kale in Somaliland gudaheeda Jabhado hubaysani ka samaysmaan kuna dhawaaqeen in ay Cadaalad darada dalka ku habsatay qoriga u Qaateen.

Waxa iyana la gabay Ictiraaf raadintii iyo iib-geyntii qadiyada Somaliland iyada oo uu Maqaamkii Somaliland dunida ku higsanaysay uu hoos u dhacay, Xirfad Diblamaasi la’aan, kala qoqobnaan iyo talo wadaag la’aan awgeed.

Isku soo xooriyoo mudadaa Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin, Una dheertahay Xin iyo Ku Xumayn ay Xukuumadu Muuse Biixi gudaheeda is XagXaganayso.

Ilaahaybaa mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree