Wednesday, 18 October 2017 03:04

Bulsho wada siyaasi ah W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare) Q2aad

“Dumarkiyo carruurtiyo middii dadab ka soo jeedda

Daba dhawga geeliyo midkii daylo celinaaya

Dukaanlaha wax iibshiyo midkii dad u xamaalaaya

Diktoorkiyo fannaankiyo haddaan darawal soo qaato

Dibjirkiyo nin liitiyo nimay dani waxyeelaysay

Dillaalkiyo mallaalkiyo midkii duunyo raranaaya

Sida dawlada loo maamulaa debec u sheegtaane

Digrii baa kuwada qaadateen dookh siyaasada e

……………………….” Abwaan Kayd M Cabdalla

Siyaasadda oo maanta noqotay shayga ugu hadal haynta badan ee gudaha Somaliland, ayaan kala lahayn dad  khibrad iyo takhasus gaar ah u leh iyo mid kaleba, halka kuwii khibrada iyo tacliinta u lahaa ee muddada badan waxbarashada iyo dedaalka ku bixiyey aanay si firfircoon uga qayb qaadan siyaasadda iyo arimaheeda.

Tanina waxay bulshadii ka dhigtay in ay indhahoodu eegaan oo keliya xisbiyadda iyo kuraasta loo tartamaayo, isla markaana ka hadlaan oo inta badan wakhtigooda geliyaan arintaas. 

Waddamada horumarka ka gaadhey dhinac kasta oo arimaha bulshada khuseeya intooda badan ma tix geliyaan dareen iyo muhiimadna ma siiyaan siyaasada iyo ololaha doorashooyinka midna. Tusaale “ Afar meelood marka loo qaybiyo bulshadda bulshada ku dhaqan dalka Maraykanku aqoon umalaha xisbiyadda ka jira dalkooda, isla markaana kama qayb qaataan olole iyo doorasho midna, sidoo kale in badan oo kamid ahiba aqoon umalaha madaxweynaha u taliya, halka qaar badanina ku baraarugaan uun xilyada madaxweynayaashu isbedelayaan”. 

Laakiin ayaandarida maanta haysta Bulshadeena ayaa ka dhigtay in fikiradoodii iyo maskaxdoodii oo dhami noqoto siyaasada, taas oo waxa ugu weyn ee ugu wacanina tahay Xisbiyada iyo ururada siyaasadda ee ku dhisan reeraha iyo qabiiladda.

“Uf qabiilka anaa leh

wuxuunbaa ku adeegta

nin iskii kartidiisa

isagoon cid ku tiirsan

isku taagi kareynin

una haysta ateero

ayaantuu dambi geystana

laga hoos galo eeda

-Ayid waad is xigtaaniyo

idinkaa isku reer iyo

aqligii lixdankii

maanta iib geli maayo

-sidaan aaminsanahayna

abkuu doono ha sheegtee

wuxuunbaa ehel ii ah

dadka kaan af aqaano

ee si wax iila arkaaya

ee ina midayso ujeedo

-waxaan laysku ogeyn

ninkii hoos ka unkaama

aftideyda ma haystoo

ansax maaha wixiisu”

…………….. Abwaan Gaariye 1993-Hargeysa (Ergo)

Waa erayo iyo tuducyo kamid ahaa Maansadii Ergo ee Abwaan Maxamed Xaashi dhamac gaariye, Rabi godka ha u nuuree, oo si dhab ah inoo dareensiinaysa Qabyaaladda iyo xumaanteeda, eryada abwaanka waxaan ku soo hal qabsaday qormadii tan ka horeysay ee aan u bixiyey  “Xisbiyada kudhisan reeruhu waa furaha qaran kudhisan Qabyaaladda”.

Hadaba aynu mid mid u dul istaago labada eray ee Siyaasadda iyo siyaasiga, oo mid kasta ay eegno sida loo isticmaalo marka lajoogo wadamada caalamka horumaray, isla markaana aynu isbarbar dhig ku samayno, Siyaasada gudaha Soomalida ka jirta ama tan Somaliland ee reeraha iyo qabiilada ku dhisan.

Siyaasad: Waa Maxay Siyaasadu?  Siyaasadu waa xirfad, hab isticmaalka xirfada siyaasadu waa mid ay ku kala duwanayihiin guud ahaan wadamada caalamku. Waana nidaam maamul oo ay leeyihiin isla markaana isku maamulan koox ama bulsho meel ku dhaqani.

Siyaasiyiinta caalamku waxay leeyihiin qodobo iyo xeerar xadida hab siyaasadeedkooda waana kuwo ay ku dhaqmaan, siyaasigii meelmara ama ka talaabsada xeerarkaasina waxaa la mariyaa hab ciqaabeedka u yaal siyaasiyiinta caalamka, isla markaana waxa lugu tilmaama in uu jebiyey xeer ama qodob.

Qeexitaanadda kala duwan ee siyaasada ayaa dal kasta oo caalamka ku yaal midba si u isticmaalaa, laakiin waa mid hal u jeedo oo keliya leh taas oo ah “Maamulid bulsho iyadda oo lugu jihaynaayo ama lugu jeedinaayo hormarka dalka”, waana mida keliya ee lugu dejiyo xeerarka iyo qawaaniinta ama qodobada lugu kala hago bulsho ama dad meel ku dhaqan, iyadoo la amraayo qodobo halka laga xadidaayo ama laga reebaayo kudhaqanka qodobo kale oo aan horumar lugu gaadhahayn.

Siyaasaddu waa hab qorsheed lugu xaliyo khilaafaadka, waana mishiinka keliya ee lugu dhaqaajo hormarka bulsho meel ku dhaqan.

Hadaba su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, Siyaasadda gudaha Somaliland ka jirtaa ma tahay sida ta caalamka kale ka jirta?, Runtii jawaabtu waa maya, Siyaasaddu waa salaanka ama jaranjarta wadan ku gaadho horumar, Laakiin gudaha Somalilaland siyaasadda ka jirtaa waa mid lugu gaadho ama laga dhaxlo Xisbiyo reero leeyihiin oo aan loo dhamayn, isla markaana dib u dhaca iyo horumar la’aan ka dhex dhalisa bulshada, sida reer kastaa iskaga eegayo indhaha reer kale ee diinta, dalka iyo abtirsiintuba ka dhaxayso, taasna waxa ugu wacan siyaasiyiinta maanta oo ah qabiil kalkaal miidhan…………… Lasoco qaybta 3aad

Wabilaahi tawfiiq

Suxufi, Qoraa madax banaan

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree