Monday, 25 December 2017 14:47

Shaqaalaha Dahabshiil Group Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuum Axmed Yaasiin Gaba-xaddi Oo Emaratka Ku Geeriyooday

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Ku-Xigeenka  Maamulaha Guud Cabdiraxmaan Cali Cabdi, Maareeyahaha DMT Cabdirashid Faarax Axmed, Maareeyaha SOMTEL Mogadishu, Nuux Siciid Ducaale, Maareeyaha Guud ee Dahabshiil S&CS Xasan Cabdi Cawad, Maareeyaha SOMTEL (Hargeisa) Hassan Sheikh Mohamoud Suufi, Siciid Maxamed Siciid, Dahabshiil BOD member, Maareeyaha DBI Saeed Mohamed Ali "Garseef", Ku-Xigeenka Maareyaha DMT Axmed Warsame Ducaale iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay Tacsi tiiraanya badan u dirayaan Maxamed Ibraahim (Colaad) iyo Reer Gaba-xaddi oo dhan, geeridda xaqa ah ee ku timi Marxuum Axmed Yaasiin Gaba-xaddi, oo 18/11/2017, ku geeriyoodey Dalka Imaaraadka Carabta.
Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, iyo asxaabtiisii.
Waxa aannu Ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka Eebbaheen Jannadii Fardowsa ku abaalmariyo, qabrigana uga dhigo beer ka mid ah beeraha jannada. 
Aamiin. Aamiin.
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree