Tuesday, 16 January 2018 14:59

Soomaaliyeey, Muuse waa kaa…

Haddan laysdiidsiinayn aqliga fayow ee arimaha siyaasada iyo mushtamaca xoodaamiyaa, shiki Kuma jiro inuu wadnaha farta ku hayo markuu fiiriyo siduu u talaabsadey Madaxweyna cusub ee la doortay 13_kii Novembre 2017. Sideedaba go'aanada isiga Ku weyn mabda’ ahaan, waana meelaha uugu horeeya ee laga qiyaaso miisaanka iyo doonka qarsoon ee hogaamiye. Bal an isha Ku godno Korneelku ficiladuu qaadey ayaamihii uu hayay xilkii ugu mihiimsanaa ee intuu noolaa u qabto.

Maalintii caleemo saarka :

Maalintaasi waxay ahayd maalin maalmaha uuga duwan. Waa maalintii laga sugaayay hadalkii Madaxweyne oo ka duwan doodihii iyo afgubaad-sigii olalihii doorashada. Yaabka ugu weynaa waxa weeyi Madaxweyna cusub markuu hadalkii qaatay warqad lama hordhigin, koodhkana Kalama soo bixin wax uu akhriyo oo qoran. Waxaan u jeedaa qudbad u soo diyaarsadey ma wadan. Waa wax lala yaabo waayo waa maalintii u soo bandhigi qudbadiisii nololeed. Waxay ahayd maalintii loogu hanwaynaa hadalkiisa ee uu soo bandhigi lahaa qudbad ahayd inuu si mugle uuga soo baaraandago oo ahayd inuu ka soo shaqeeyo taniyo maalintii loo xaqiijiyay inuu doorashadii Ku guulaystay. Ma dhicin !

 Madaxweyna xilka wareejinaayay Mudane Sraanyo, isagu qudbad qoran ayuu akhriyaayay. Wuxuu garanaayay muhiimada fursada iyo maqaamkeeda. Maamuuska dawladnimo ayuu si fiican Siraanyo u fahansanaa isagoo garanaayay in ummaddu sugayso hadalada u uku sagootiyaayo dalka iyo dadka. Faraqa Korneelka iyo Siraayo u dhexeeya maalintaa ayaa ka marag ah. 

Si ay ka noqotayba, Korneel Muuse wuxuu i xasuusiyay Madaxweynihii lagu yaqaanay inuu iska hadlo isagoon wax qoraal ah adeegsada. Wuxuu ahaa AHN Maxamad Syad Barre !

Taa haddan ka gudbo, bal aan dul istaagno habkii uu u dhaqmay markuu xilka la wareegay. Mudane Biixi wuxuu ahaa gudoomiyaha Xisbia Kulmiye ee talada hayay ka hor doorashadiisa. Xukumadiisa uu talada kala wareegay xubnaha ka tirsanaa dhamaantood waxay  ka mid ahaayeen Xisbigiisa oo weliba intooda badan waxay ka mid ahaayeen Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ilaa maanta madaxweyne Biixi hogaamiyo.

Markuu Xilka qabtay Madaxweynaha cusub markiiba wuxuu ku dhaqaaqay ficilo guracan oo dadka siyaasada u dhuun daloolan markiiba dareemeen. Bilowgiiba Biixi wuxuu u dhaqmay sidii nin mucaarid ahaa oo talada dalka kala wareegay Xisbi ay iska soo horjeedeen. Farsamo xumo hadalkeeda daayo waxaan qabaa in ay ka tahay khibrad la’aan khatarteeda leh. Halkii uu Xukumadii hore oo Kulmiye wada ahayd la dabaaldegi lahaa wuxuu muujiyay gaf siyaasadeed oo sidaan qabo qodax sarmaaneed ku noqon doonta. 

Sidoo kale, waxaa wax lala yaabo noqotay isagoo shaacin la taliyaashiisa amba xafiiska Madaxweynaha hogaankiisa ayuu ku dhawaaqay Golahiisa wasaaradeed. Halkii uu si maamuusle u sagootiyi lahaa Golihii wasaarada ee guusha u soo hooyay wuxuu ka doorbidey inuu maqaam hoose oo quudhsi doqoniimo ka maqnayn ula dhaqmo isagoo ogsoon inay u soo dagaalameen daraadiina u eedoobeen siyaasad ahaan. Intuuna Golahiisa wasaaro shaacin, sharaftu waxay ku jirtay inuu Xukumadii hore qaab siyaasadeed maamuusle ula dhaqmo isagoo si xisbinimo leh ula tacaalaaya una muujinaaya inuu abaal u hayo. Farsamadaa siyaasadeed oo isaga dan weyn u ahaan lahayd, Korneelku waa garab maray mana garan lamna garansiin.

Marka loo fiirsado xukumada u soo dhisay, waxaa ka madhan wajiyadii ugu miisaan weynaa ee Xisbiga Kulmiye, arintaas oo ka marag kacaysa kalsooni darou u ka qabo xisbiga isagu hogaamiyaha u yahay. Talaabadaasina waa mid muujinaysa shaqsiyaadka uu wasiirada u xushay oo u badan dad sidiisa siyaasad ahaan miisaan culus lahayn.

Waxaa kaloo la dareemayaa in Korneelku afkiisa iyo habdhaqankiisu islahayn.

Hadalkii u jeediyay maalintii la dhaariyay, Mudane Biixi wuxaa laga hayaa hadal sidan u dhignaa : « Waxaan ku seexan doonaa reerkaan ka soo jeedo ». Dadku waxay hadalkaa u fahmeen, dawlada aan soo dhisayo in tolkii sadbursi heli doonin. Laakiin hadalkiisaasi wuxuu noqdey mid akis ah marka la fiiriyo qaybta libaax dhaaftay ee uu tolkii u qoondeeyay. Hadalkiisaa marka la raaco wuxaa loo fahmayaa hadda, in 15ka Wasiir ku yartahay tolkii, ummada kalena 7 wasiir ku badan tahay. Tasfiir kale inaad haysaan mooyi…

Waxaan hubaal ah in labada shaqsi ee argagaxsan ee Hargaysa nala joogaa, haddayna gagabsanaynba, inay yihiin labada Professor ee beelaha darifyada ka soo jeeda, Cali Khaliif iyo Samatar, inkastoo kan dambe xaalkiisa Ilaah uun garankaro.

 Ku darsoo waxaa durba soo baxaaya inayna u bilownayn qaabka loola tacaalo Madaxdhaqameedka oo qaar badan durba saluugsan yihiin habdhaqankiisa. Malaha wuu moogyahay, waagii saxaabadiisii calan castu dabka sudheen dalka, in kuwa dajiyay ee taladooda lagu daaqayaa inay madaxdhaqameedka yihiin. U malee !

Sidoo kale waxaa soo baxaaya calaamado muujinaaya in Korneelku durba galey jeebka Madaxwenaha Jabuuti iyo afadiisa oo sida la ogsoon yahay taageero siyaasad-dhaqaale galiyay olalihii doorashada ee Biixi. Ka dib socdaalkii u horeeyay ee dibada uu ugu baxo oo Jabuuti uu ku tagay waxaa soo baxaaya hadalo laysla dhex maraayo oo shaaca ka qaadaaya in Mashruucii Somaliland iyo Dubai-Port u dhexeeyay la laalay ka dib codsi ka yimid Madaxweyne Jabuuti oo sida laga warqabo Mashruucaa ka dhex arkaaya Cabdiraxmaan Boore oo colaad siyaasad-dhaqaale ka dhaxayso qoyska Haramuus deggan ee Jabuuti ka taliya.

Si kasteba xaalku ha ahaadee, waxaa hubaal ah in Madaxweynaha cusub ee Somaliland durba uu istamcay. Waxaa la saadaalinayaa in Xisbigii Kulmiye noqon doono geesta mucaaranimada u horaysaa kaga soo afuufmin doonto. 

Duufanada siyaasadeed ee talo-xumada Korneel gudaha ka kicin doonto, waxaa ka sii daran, sida la saadaallinaayo, dhulgariir ka iman kara dhinaca Itoobiya oo xulafada Carabta ee Yemen ka dagaalamaysa isha ku haysa, xulafadaas Sacuudigu hogaaminaayo oo xodxodata Somaliland.

Gabagabadii, waxaa lays lahaa Korneelku wuxuu sahan ka dhigan doonaa waayo-aragnimadii Siiraanyo balse si cad ayuu u ag maray, wuxuuna u muuqdaa nin kabo ka waaweyn loo galiyay isla markaana lahayn amba hayn farsamadeedii loogu socon-lahaa.

Soomaaliyeey Muuse waa kaa!

 Ilaahay ha sahlo. Aamiin.

Abris Awdal

Hargaysa, Somaliland

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree