borama 250x250

Friday, 23 February 2018 01:43

Distuurkii waxa lagu beddelay damac kooxeed.

Heeshiis bulsho ayuu ka dhashaa sharci iyo distuur kaas oo abuura dawladnimo, dawladnimadaas oo iyana fulisa wajibaadka distuurku faray si waafaqsan sharciga, sharciguna waa ka cid walba ka sareeya.
Haddaba Muhiimada kowaad ee aasaasiga ah ee sharcigu waa in uu inaga xakameeyo xumaha iyo sharka oo dhan iyo in uu xal iyo dabar u noqdo dhamaan damacyada iyo doonista aan xadka lahayn ee dadka iyo dhibta taasi keeni karto.
in uu caddaaladda, xoriyadda iyo xuquuqda gaar ahaaneed ee qofkasta sugo si siman.
Haddaba kawaran haddii taas aan lagu dhaqmin ee cidda awoodda dawladnimo gacanta ku haysaa ee ay ahayd in ay ilaaliso sharciga dadkana ku ilaaliso, fursadaha iyo khayraadkana u qaybiso ay iyagii ka talaabsadaan oo burburiyaan sharcigii? 
oo  qofka ay doonaan ay xoriyaddiisii sharciga ahayd ka qaadaan ka ay doonaan iska qafaashaan? ka ay doonaan iyo cidda ay doonaan xaq aanu lahayn siiyaan? ka ay doonaan hantidiisa ku qabsadaan ama ka xayiraan? ka ay doonaanna hantidii iyo fursaddii ummadda siiyaan keligii, iyaguna sida ay doonaan wax u boobaan waxa ay doonaanna sameeyaan.? Bal ka sheekee waxaas oo dhan?
Haddaba waxaas oo dhan iyo wax ka daran oo dhamaantood aan sharci iyo dhaqan toona ahayn ee damac iyo doonis kooxeed ah ayaa ah waaqica runta ah ee Soomaalilaand ka jira maanta. Qofka taas aan arkayn ama ogayni waa doqon ama wuu isyeelyeelayaa.
W/Q CabdiCasiis-ayax Maxamed
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree