borama 250x250

Sunday, 15 April 2018 13:13

PROFESSOR JAWAARI OO KA NASANAYA MASUULIYADII GUDOOMIYE GALAHA SHACABKA SOOMAALIYEED

Professor Jawaari waa muwaadin Soomaaliyeed,waana ruug cadaa siyaasiya oo dalkiisa usoo shaqeeyay mudo dheer.xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dalkiisa dawladahii soomaaray 1960-1991dii. intii burburku jiray Pro.jawaari waxa uu noqday gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliyeed laga soo bilaabo 2012-2018.
Dalka soomaaliyeed waxa uu marayaa marxalad si hadii loo eego,burburka iyo dawlad la aanta aadba ku mataali karaysid sidii xiligii dalkeenu ku jiray gumaysiga,xiligaas oo aysan jirin ikhtiyaar iyo xoriyad dawladnimo oo ay leeyihiin umada soomaaliyeed.Maanta kolkaa waxaa dalkeenu marayaa xaalad dawladaha qaarkood iyo cadawga soomaaliyeed ay qiil iyo daliil u raadsanayaan in dalkeenu yahay dal ku guul daraystay hanasho dawladnimo,tasoo keenaysa in dawladaha jaarka ah lahoos geeyo si shacabku u helo dawladnimo sharci iyo kala danbayn.
Marwalba oo ay sii raagto ama sii daba dheeraato in dalka soomaaliya aysan ka jirin dawlad soomaaliyeed oo amaanka dalkoo dhan ahanataa,waxay sii xojinaysaa afkaaraha isticmaarsi iyo damaca shisheeye ku doonayo dalkeena in uu hantiyo iyo badaheena.
Aduunyada maanta waxa wax lagu yahay oo dal lagu difaacdaa waa hanaan dawladnimo iyo wada jir.hadaba dadkii soomaaliyeed mudo dheer ayay ku jireen jahawareer iyo in lakala garan waayo yaa wadani ah yaa dawlad diid ah.dawladan curdanka ah ee dalkeena ka dhalatay ee uu madaxwaynaha ka yahay mudane Muxamed cabdullahi Farmaajo waa mid mudo dheer ay sugayeen shacabka soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah,kana xun dhibka haysta dalkooda oo ah dawlad la aanta. dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waalaysku raacay oo laga soo dhaweeyay madaxwaynaheena soomaaliya Farmaajo.
Cadawgii soomaaliyeed shisheeye iyo sokeeyaba waxay liqi waayeen dadkay islahaayeen waa niyad jabeen oo waa halaagsameen,oo ismarabaan oo dawladnimo marabaan ayay arkeen iyagoo raba dawladnimo oo jecel madaxwaynahooda kuna kalsoon tanoo keenaysa in soomaaliya soo ceshatay dawladnimadeedii iyo jiritaankeedii. cadawgii waa rumaysan waayeen ilaa ay runta arkeen.
Hadaba pro.jawaari shaqsiyan uma aanaan maagin,xaqbuu nagu leeyahay anaguna aan ku leenahay balse waxaan dagaalkula jiraa cidkastoo ka gaabisa hanaanka horu socodnimo ee nabad kusoo dabaalida guud ahaan dalkeena hooyo.waxaanu dagaal kula jiraa cidkastoo hagar galin dawladeed aanu ku tuhuno,sidaa daraadeed buuqii pro.jawaari uu nagaliyay maalmahan haduu naga raali galiyay oo saxaafada noo soomariyay shacab ahaan hadaladaa uu ku khatimay waa soo dhawaynaynaa. waloow murugadii nagu dhacday iyo filan waagii aanu wali la argagaxsanahay hadana waxaan loo noqon doonin waa aqbalay.
Pro.Jawaari sidan hada u danbaysay ee uu ku khatimay,oo isaga iyo madaxwaynuhu noosoo jeediyeen waa hanaan dawladnimo iyo ilbaxnimo iyo reer magaalnimo halkii udanbaysay.intan oo bilawgii u horaysayba dhacdaa waxay ahaan lahayd dahab,laakiin waxaan ku qancayaa waa aduun oo dhami marwalba ah lama wada helo. waase cashar aynu wax ku baranayno hadaynu nahay umada soomaaliyeed.
Dawladnimadu waa lays khilaafayaa laakiin maha in cadawgaagu arimahaaga hoose sii dhexgalo oo sii ogaado guntaada.hada Ethiopia raysal wasaare Haile iscasilidiisii ma ahayn xaqiiqdeedu siduu inoo sheegay mid isaga katimid markuu arkay dhibka dalkiisa. hadana arimahooda gudaha hoos bay u dhamaysteen aduunkiina waxay u muujiyeen dawladnimo iyo inay yihiin dad iyo dal jira.cid qaylinaysa oo leh raysal wasaaraha ethiopia in xoog iyo jujuub iyo qasab usu casil layiraahdaa xaqmaha cidleh majirto.
Pro.Jawaariyoow wixii xaga shacabkii hadaanahay naga kaasoo gaaray,maha wax shaqsi ahaan ah ee waa arin aanu ku hagaajinayno difaaca diinta dadka iyo dalka kuna doonayno qaranimo iyo dawladnimo waa intaa.markaa wixii dheeri ah een ku gafnay aragtidaada adiguna nacafi raali naga noqo guud ahaan shacabka gaar ahaan aniga naftayda.
Gabagabadii TALO WALAAL
Sidaad ku khatintay hadalkaagii adiga iyo madaxwanaheenu,ka taagnoow arimaha dalkeena.dalka waad u soo shaqaysay intii awoodaada ah qofkuna haduu hawl iyo xil shaqo galo khalad iyo saxba waa laga helayaa.kolkaa waxaan aad kuugula talinayaa aduun isku waynayn malaha,xilkuna waaba imtixaan gaara,kolkaa hada naso oo utafo xaydo magacaa jiryee aakhiradaada,oo salaada iyo wardiga badso oo laban laab cibaadaysigaaga. dadkuna waa shayaadiin qaarkood ee gaabso isna ilaali aakhiradaada ayay duulan ku yihiine.
Waxaan kula jeclaan lahaa in aad gabi ahaanba isaga harto siyaasada sidii walaalkaa Aadan cade jano fardawso illaahay haka waraabshee,laakiin ka har kuma lihi. waxaan kuu rajaynayaa khayr aduun iyo aakhiraba.
Intaa markaan pro.Jawaari kagabaxo,qofkastoo soomaaliyeed sadex ha difaacdo hadii kale qiimo malaha noloshiisu.
1.Diintaadu waa islaam,dan haka galin firqo iyo koox gaara waxaatahay islaam suni ah difaaco kugu filan ee.
2.Dadkaagu waa SOOMAALI qabiil iyo jifo yar uma baahnid adoo helikara malaayiin soomaali ah kufaan difaaco soomaalinimadaada iyadaana kugu filan.
3.Dalkaagu waa SOOMAALIYA matihid gobol gaara iyo dagmo yaroo gaara,lama kala qaadi karo wada jirka iyo midnimada dalkaaga hooyo. soomaaliya waa dalkaagii adaa leh ilaasho difaaco kugu filan.
Umada soomaaliyeed haka soo baxaan luuqyada ciriiryoon ee gumaystuhu galiyay iyo kuwa u adeegaya guumaystaha ee ah dawlad diid.Ogaada walaalayaal markii lagu waydiiyo,diintaadu waa maxay? dheh waa islaam suni ah. Yaatahay,cidaadu yaa weeye,qoladee tahay,qabiilkaagu waa kee? waxaad dhahdaa waxaan ahay SOOMAALI. markii lagu waydiiyo dalkaagu waa kee? waxaad tiraahdaa waa SOOMAALIYA. intaa hadaadan samayn noloshaadu qiimo malaha xormatihid maskaxiyan.
Guumaytaha iyo kuwa u shaqeeya ee daba dhilifka ah ee dawlad diidka ahi kuuma ogola in aad xorowdo waligaa maskax ahaan.
 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree