Saturday, 07 July 2018 15:14

Telefishinadda Bulsho Iyo Eryal Oo Caqabad Ku Noqon Karra Xaaladda Nabadeed Ee Ceel-afweyn

Telefishanadda Bulsho iyo Eryal, oo ah laba Telefishan oo madax-banaan, ayaa qayb ka noqday buun-buunita collaadda laba beelood oo walaalaha ee dirirta colaadeed ay ku dhexmaray deegaanka Ceel-afweyn. Islamarkaanna labaddan telefishin oo ka hawl-galla magaaladda Hargeysa oo ku suntan labada beelood ee dagaalamaya midkood, ayaa cod baahiyahoogga u isticmaalan kicinta beeshoodda iyo hurrinta colaadaa Ceel afweyn.
Dhacdooyinka isu-lammaan oo labaddan telefishan isu-bahaysteen, ayaa ah mid ka baxsan qaanuunka tabinta wararka dhiiladda ah ee ka imanaya deegaanadaasi colaaddu  ka jirto.
Dhinaca kalena, ururka SOLJA oo warbaahinta u qaabilsan nidaaminta ayaa indhaha ka qarsadday inuu si toos ah telefishaddan uga wacyi-geliyo inay joojiyaan wararka dhiiladda ah ee ku saabsan kicinta iyo isu-dirka labaddan beelood.
Sidoo kale, Xukuumadda Muuse Biixi ayaa baahinta wararkan ku indha-dooqsata iyadoo telefishanaddan waxa talaabbo ah ka qaadin,iyadoo tebinta wararka dhiiladda ah ay isu-bedeli karrato xaalad nabad-galiyo darro ah oo ku faafta deegaanadda ku teedsan deegaanadda collaadu ka socoto.
Ugu dambayntii labaddan telefishan ayaa haddii ay siddan ku soo socdaan noqon doonna laba telefishin oo caqabad ku noqon doonna waan-waanta nabadeed ee laga waddo deegaanadaasi.
Telefishinadda Bulsho Iyo Eryal Oo Caqabad Ku Noqon Karra Xaaladda Nabadeed Ee Ceel-afweyn
 
 
cabdi saxafi 
<This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.;
 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree