Sunday, 02 April 2017 11:31

Sirta guulihii ku gadaanaa abaartii daba-dheer 1974 iyo sir akhriska ku dedan abaartan 2017 !! ( dhib dhacdaba dhayma dabayaal ) Dr.khadar-Libaaxley.

Duruufaha   midabeynaya  ayey   dabcigooda  tahey   hadba  in  uu  saxal  iyo  saban  gaar  ahi   sida  kaaha  waabari   u  soo  mudho;  hadba   markuu  midi  mudo  laasimo  ( badhaadhe ,farxad  iyo dhoolo  ka  qosol  ama  gaajo, goblan , caydhnimo, darxumo  iyo  daranyo  ay   jiqlaha  buuxiyaan); sunaha  nolosha  ayey  dabcigeeda   tahey  in  waayaha  sameed  iyo  waayaha  xumeed  ay  sida  miisaanka  isku  dheeli   tiraan  oo  doorba  midi  tamar-galo  fariinta  iyo   dhambaalka  uu  xambaarsanyaheyna  noqdo  ( cashar  iyo  duruus  ay   dhadhamiyaan  noolaha  qaybtaasi  nasiibka  u  helay).

1974  waxa  ay   noqotay  dhamaadka  abaartii  lafta  iyo  jiidhkaba  dhameysay,  dadkii  xiligaa  caydhaysay  oo  lagu  daadgureeyey  diyaaradaha  ilaa  koonfur ,abaartaasi  oo  bar-dhaceedu   ahaa  ( saxil  bari, togdheer  illaa  sanaag ) ayaa  loogu  magac  daray  daba-dheer ; halkan   ka  tiri  siraha  dahsoon  ee  ku  duruuf  gadaanaa   abaartii  daba-dheer:

inaga  oo  ka  duuleyna  aayada  quraanka  ah   ee   ( ina  macal  cusri  yusraa,  fa  ina  macal  cusri   yusraa)  waxa  dhacay  sida  tan.

1)  1974  waxa  soo  dhamaadey  daba-dheer.

2) abaartii  sanadkaa  3 saddex  sano  abaartaasi  ka  dib  waxa  dhacay  dagaalkii  somalida  iyo  xabashida 1977  oo  guushii   abid  ugu  weynayd  raacday  somalida; oo  ay  gaadheen  illaa  duleedka   caasimada  itoobiya;  in  ay  dagaalkaa  somalidu  guul  ka  gaadhay  waxa  daliil   u  ah;  dawlada  itoobiya  barigaasi  ayaa  ugu  dambeysay  in  dhul  ay  soomaali  leedahey  toos  iyo  badheedhe  u  soo  weerarto,  dagaal  qabow  oo  dadban  mooyee.

3)  abaartii  sanadkaa  7  sanno  kadib  waxa  abuurmay  dhaqdhaqaaqa  halgankii  dib  u  xoreynta  somaliland.

4.) abaartii   sanadkaa  17  sanno  kadib  waxa  dib  loo  xoreeyey  oo  waliba  loo  aasaasay  jamhuuriyada  somaliland   xilli  uu  waliba  jiilaal  sii  dhamaanayey  si  lamid  ah  sidii  ay  u  dhamaatay  abaartii  daba-dheer;  dhacdooyinkani  ma’aha  kuwo  fudud  waa  taariikh  dhaxal  gal  noqday  oo  kuwada  gadaaman  duruufo  qalafsanaa  oo  dhabar  adeyg  iyo  kal  adkaan  lagu  soo  jiidhay.

2017  waxa  ay  u  eegtahey  in  ay  soo  af  jarmayso  abaartii  salfatay  arwaaxaha  dad  iyo  duunyo  tiradoodu  aad  u  badantahey , caydhaysay  badi  xoolo  raacatadii  dalka  gees  ka  gees,  rajo  beel  ku  riday  riyooyin  wacnaa  oo  u  dhisnaa  badi  dadkii  ay  tooska  u  haleeshay  abaartan  u  dambeysay  (taasi  oo  ku   dhacday  deegaankii  ay  horey  abaartii  daba-dheer  ugu  dhacday ) hayeeshee  dabciga  nolosha  ayey   caadadeeda  tahey  ( in  marka  uu  illaahey  daaqad  xidho  ay  furanto  daaqad  kale  amaba  albaab  ka  fiican );  waxa  daliil  u  ah:-

isla  sidaaday  abaartan  u  dambeysay  laydhka  cas  inoogu   shiday  ee  qayladhaanta,  diifta  iyo  badhtigu  isqoorsaday  xoolihiina  lagu  dhawaaqay  in  la  xidhay  dhoofkiisii ;  ee  ay  rajo  xumo  ruuxdeedii   istaadhantay  ( ayaa  dhanka  kale  kaabiga  iyo  kambalka  soo  saarmay  soobixida  maalgashiyo  waaweyn  oo  taariikhiya  oo  dekado  iyo  saldhigyo  intaba  leh   oo ay   ku  baxayaan  maal  aduunyo  farabadani  dulucda  u  jeedadeeduna  tahey  curashada  isbadel  iyo  koboc  dhaqaale  oo  hor  leh  kuna  soo  jihaysan  dalka , dadkaba  iyo  wadamada  dariska  intaba ).

Intaasi   marka  ay  rasmi  u  tamar-gasho  ruuguna  inoo  adkaado  waxa  xigayaa  waa  helitaanka   aqoonsi  caalamiya  iyo  dunida  oo   albaabadeeda  inoo  balaqda  insha’allah.

Guulaha  weynu  tirsaneynaa  inaga  oo  ku  cabir  qaadaneyna  tirooyinka  dhiman  tan  iyo  inta  markale  laga   gaadhayo  abaartan  ina  soo  martay  mid  la  mid  ah;

Waxaan   dareemayaa   maalin   aanan   garaneyn   xiliga   ay  tahey   balse   dalkan   iyo   dadkaniba   barwaaqo  sooran  ay  ku  naaloonayaan   gees   ka   gees.

Ku  tiirsanaanta   xoolaha  habkii  hore  ee  dabeeciga  ahaa , waa  hab  duugoobey  oo  aan  la  jaanqaadi  karin  dunidan  casriga  ah,  waxa   baahi   weyn  looqabaa  qorshayaal  casri  ah  oo  cilmi   ku  dhisan   si   looga  midho  dhaliyo  dhaqashada  xoolaha  taasina  waxa  ay  ku  xidhantahey  ahmiyada  dadweynaha  reer  somaliland  siiyaan  dhaqashada  xoolaha.

Dr.khadar-Libaaxley

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree