Sunday, 18 June 2017 19:42

ISBARBAR DHIGA CIIDAMADA RRU IYO NISA Qoralkaa: Cabdiraxman Yacqub Xasan

ASSALAMU-CALAYKUM dhamaan akhristayaasha maqaalkan salaan ka dib waxaan rabaa in aan isbarbar dhigno
Hay,addaha amniga ee Somaliland iyo Somaliya gaar ahaan hay,addaha la dagaalka argagixisada
inagoo ka eegi doona dhinacyada hawl galada ay qaadeen ciidamadani
Hawlgalada RRU-da
Ma jirto tiro rasmi ah oo soo koobaysa inta hawlgal ee ay fuliyeen ciidanka RRU-du, balse waxaynu soo bandhigi doonaa
inta ugu weyn. Hawlgalada
Hawlagada shakhsiyaadka lagu bartilmaameedsanayo
 Jun -2013- ciidanka RRU-du hawlgal ka fuliyeen guriga uu degan yahay Muj. Cismaan Awr-liqe ooh ore u ahaa
agaasimaha madaxtooyada u qaabilsan xidhiidhka dadweynaha. Hawlgalkan ayaa bilaabmay kow habeenimo
sidii dhaqanka u ahayd. Guriga Cismaan Awr-liqe ayaa loo daatay si khasab ah waxaana laga soo dhexqabtay
gurigiisa ka dibna xabsiga ayaa loo taxaabay. Qoyskiisa ayaa sheegay sida argagaxa leh ee habeen badhka loo
soo weeraray. Guriga waxa ka muuqday burbur aan magdhow lahayn.
May - 2013-kii waxa cabasho mudaharaad ah sameeyay iskorogooyinka ciida qaada ee magaalada Burco. Ka dib ciidankii RRU-
da ayaa ku dhex-dhacay dadkii mudaharaadayay. Iska horimaadkaasi ayay RRU-du xoog u adeegsadeen waxa ka dhashay
dhimasho iyo dhaawac aan loo baahnayn.
August - 2013-kii ayay ciidanka RRU-du hawlgal ka fuliyeen magaalada Burco. Hawlgalkan ayaa lagu qaaday guriga
uu degan yahay Sh. Siciid Axmed Jaar. Hawlgaka ayaa dhacay saq-dhexe oo guriga loogu daatay Sheekha oo ku
sugan gurigiisa. Qoyska Sheekha ayaa ka sheekeeyay qaabka argagaxa leh ee guriga loogu soo daatay.
2014-ka ayay ciidanka RRU-du hawlgal ka fuliyeen magaalada Burco. Hawlgalkan ayaa la fuliyay saq-dhexe. Bartilmaameedka
hawlagalka ayaa ahaa in lagu soo qabto Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guleed Daahir Samatar.
Gurigiisa ayaa lagu qaaday weerar qorshaysan waxaana laga soo qabtay guriga dhexdiisa. Qoyskiis ayaa sheegay inay
argagexeen markii guriga loogu soo daatay saq-dhexe. Guriga waxa ka muuqday Burbur aan magdhow laga bixin.
May - 2014-ka ayay ciidanka RRU-du hawlgal ka fuliyeen guriga uu degan yahay C/laahi Abokor oo ahaan jiray wasiir ku
xigeenka amniga Somaliland. Weerark ayaa dhacay saq-dhexe oo dadka caadiga ahi hurdo. Dagaal ayaa ka dhexqarxay
ilaalada gaarka ah ee C/laahi Abokor iyo ciidanka RRU-du. Hawlgalka ayay xaaska C/laahi Abokor ku sheegtay mid argaxa
iyo car-juuq-dheh. Burbur fara badan ayaa ka muuqday guriga . qaar caruurtiisa ka mid ah ayaa ka cabanayay inay
waxyeelo soo gaadhay.
Hawl Galada National Intelligence and Security Agency NISA Somalia
Ma jirto tiro rasmi ah oo soo koobaysa inta hawlgal ee ay fuliyeen ciidanka NISA , balse waxaynu soo bandhigi doonaa
inta ugu weyn. Hawlgalada waxaynu u qaybin doonaa kuwa lagu soo qabanayay shakhsiyaad iyo kuwo guryo lagu
baadhayo.
10-Dec- 2016 Ciidanka NISA ayaa ka hortagay gaari ay qarax ku soo rakibeen argagixisadu oo noociisu ahayd
"Toyota/Mark II" abaaro 10:50am , xili uu gaarigaasi soo marayey deegaanka Siinka dheer ee Duleedka Muqdisho,
wuxuuna ku soo wajahnaa Caasimadda dhexdeeda si ay argagixisadu qarax ismiidaamin ah ugula beegsadaan
Bulshada Soomaaliyeed.
11-Dec- 2016 Ciidamada Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxay howlgal sirdoon oo muddo socday,
maanta oo Axada lagu guulaystay in gacanta loogu soo dhigo dhagarqabe Maxamed Ibraahim Xasan oo ka
dambeeyay qaraxii ka dhacey Afaafka Hore ee Dekedda Xamar taariikhdu markay ahayd 11/Dec/2016
#HSNQ_NISA ops, Howlgal labaad oo ay caawa ciidamada HSNQ ka fuloyeed Degmada Dharkeenley waxay
Gacanta kusoo dhigeen labo dhagar qabee oo ku hubeysna Pastoolado doonayayna iney khaarajiyaan Muwaadin
shacab ah xilli uu ku jiray masjid
Ciidanka NISA ayaa ka warheley caawa saacaddu markey aheyd abbaaro 11:00pm habeenimo Gaari ay lahayd
Hooyo Soomaaliyeed oo Shacab ah oo loogu xiray Qarax Gaarigeeda, Waxaana u Gurmaday 44 Team oo ka furay
qaraxii ilaaheyna wuxuu ku badbaadiyay halkaa Hoyadaas Soomaaliyeed & Ubadkeeda
6-Feb- 2017 Ciidanka NISA waxay Aroornimadii saaca 6:25am ka hortageen qarax miino oo argagixisada soo dhigeen
waddada Taleex, agagaarka Isbitaalka Deva ee Degmada Hodan, Gobolka Banaadir Miinadaas oo ay argagixisadu
ugu tala galeen inay ku waxyeeleeyaan bulshada Soomaaliyeed, ayaa ciidamada Sirdoonka ka warheleen,
waxaana goobtaas ka howlgalay ciidamada Ka hortagga Qaraxyada ee NISA kuwaasoo si xirfadaysan u furay
miinadaas ayadoon wax khasaaro ah ka dhalanin.
2-Jan- 2017 Abaaro 9:30pm, ciidanka sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka (NISA) ee ka howlgala Degmada Buule-
Burde waxay fashiliyeen caag qarax ku jiray xili dhagarqabe ka tirsan UGUS uu ku rakibayey agagaarka hoteelka
Reer Camalow ee ku yaallo Deegaanka Indha-ceel ee Degmada Buule-burde,
2-Jan- 2017 Abaaro 12:00pm duhurnimo waxay ciidanka NISA degmada wadajir, ku fashiliyaan 2 gaari oo qarax ah ay
soo diyaariyeen argagixisada UGUS, bartilmaameedkooda weerarna ahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
Airport & Fariisinka Ciidanka Midowga Africa AMISOM & UN ee Xalane (AU/UN Basecamp),
Contact
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Tell : + 252634807177
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree