Monday, 31 July 2017 20:05

Xaqiiqda Madaxtooyada Siilaanyo Taal ee Laga Maagay Toddobadda Sanno oo Dibeda lasoo Dhigay

Xildhibaan Siciid Cartan oo kamid ah Mudanayaasha golaha Wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Saaxil, ayaa sannaad guuraddii 7aad ee Xilka Madaxweynenimo ee Axmed Siilaanyo ku foolladeeyey hadalladii qarniga. Hadalkaas oo u mudanuhuu ku iftiimiyey xaqiiqada Madaxtooyadda taal ee laga maagay mudada todobada sanno ah ee Madaxweyne Siilaanyo uu dalka xukumaayey, isla markaana Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed kala duwani marar badan ka dhawaajiyeen arrinka, oo nuxurkiisu yahay Madaxweyne Siilaanyo Inaan tallada dalku gacanta ugu jirin, hase-ahaatee, hawlaha qaranka iyo maamulkooduba ay taladoodu ka go’do Qoyska Madaxweynaha iyo xubno kaloo ay hayb-wadaagan Md. Siilaanyo.

Dhawaqa Maskax-gariirka ee Xildhibaan Siciid Cartan oo ku beegmay 27-kii July 2017-ka, taarikhdaas oo ah Toddoba sanno ka hor Maalintii Madaxweyne Siilaanyo loo dhaariyey hoggaanka tallada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa xildhibaanku ku bal-balaadhiyey arrimo dhawr ah, kuwasoo in muddo ahba dhaggaha bulshada kusoo noq-noqonaayey, balse aanay jirin cid sidan oo kale, daboolka uga qaadday, arrimaha waxa kamid ah Madaxweynaha awooddiisa tallada dalka iyo xaaladiisa caafimaad, Sirro ku duugan socdaalkii Madaxweynuhu kaga soo laabtay Imaaraadka, iyo sidoo kale, ujeedada ku qarsoon safar la filayo maalmaha fooda inaggu soo haya Madaxweyne Siilaanyo inuu ugu baxo dalka dibediisa. “..Axmed Siilaanyo waxan leeyahay mudadii Umaddan aad hoggaaminaysay toddoba sanno ayaa Maanta ku buuxsamay, waadka tagtay qarannimo, qabiilna waadka tagtay oo qoysbaad maraysaa, waxana kugula talinayaa inaad umaddaa ka hor-dhaqaaqdo oo labada bilood ee hadhay xil ma gudan kartide, Saylici Umadda doorasho ha gaadhsiiyeen ka hor-dhaqaaqdid. Odayga (Axmed Siilaanyo) ee laga soo ceiyey DUBAI, waxa meesha loo keenay in laga saxeexo wareegtooyin xaaraan ah, wuxuu og’yahay oo dalka uu kala socdaana ma jirto. Habar-baa gabadheeda wax ku ogeyd, dabeetana way qarisay, oo qarisay, waxay qarisaba markay qarin kari wayday ayey ku tidhi ku qariyey oo qariyey’e gun cad. Axmedow todobada sanno-ba Somaliland way ku qarinaysay, maanta waxaad taagan tahay aakhrul cimri, waxaad hoggaamin kartaana ma jirto xalaadada Ummaddu way la socota, adigana waxa laguu keenay inta wax laga saxeexdo in lagu celiyo, waxana laga yaaba in Wiiga dambe la celiyo (Axmed Siilaanyo) mana qabo inuu Kursi dambe ku fadhiisan-doono, markaa waxan ku leenahay labada bilood Saylici Umaddaa doorasho ha gaadhsiiyee ku wareeji xilka..”.

Waxa kaloo Mudane Cartan uu diirka ka qaadday hawlaha iyo shaqada dhabta ah ee u qabto Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil, wiilkaas oo qaba ama ay u dhaxday gabadh Madaxweyne Siilaanyo uu dhalay oo lagu Magacaabo Luul Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), hase-yeeshee Xildhibaan Siciid Cartan waxa uu sheegay shaqada uu qabto Safiir Baashe Cawil inay tahay Dilaalista mashaaricda Amiirrada Dubai iyo Abu-dabai uga baahdan Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaya, waxa uu yidhi: “.. Shir kaygan Jaraa’id waxaan ku abaarayaa Shir la iskugu yeedhay dhamaan masuuliyiinta kaga jira gobolka Saaxil Xukuumadda, Shir kaasoo iigu muuqda Shirqool lagusoo fulinayo gobolka Saaxil, sidaas darteed ay tahay inaan Warbaahinta u mariyo (Reer Saaxil) waxyaabaha shirka lagaga hadlay iyo waxa kusoo wajahan.

Xaaladda gobolka Saaxil intii Xukuumadda Siilaanyo qabsatay waxay ku sugnayd boob dhul, dhac iyo cago-juglayn lagu hayey. Dhowaana lagusoo fulin doono waxyaabihii loogu yeedhay Wasiiradda, arrinkaana waxa wadda oo hor-boodaya Inaanka la yidhahdo Baashe ee Moorgan ku magac dheer, oo lagu sheego Safiir, laakin anigu aan u aqaano Dilaalka Madaxtooyadda iyo Imaaraadka u dhexeeya. Shirka Madaxtooyadda saddexda habeen la iskugu yeedhay waa dhul boob kusoo jahan Saaxil oo ah xeebta galbeed oo ah Berbera ila Xeedho inta u dhaxaysa, halkaasoo dad saddex kun oo qoys oo sharciyadoodii haysta ay leeyihiin, ayaa Xukuumada Siilaanyo doonaysaa inay cagta mariso dadka.

Qodobka kale, ee Madaxtooyadda lagaga tashanaayey waxa weeye faashilka ku dhacay Shirkadda DP World iyo sidii Indhaha dadka looga jeedin lahaa. Qodobka Saddexaadna waxa uu ahaa saameynta xubnihii guddida, oo umadda laga qarinnayo saamiga iyo sida loo qaybsadday, iyadoon cidina oggeyn waxa lagu xushay xubnahaas. Haddaba Inaanka Moorgan la yidhahdo ee Dilaalka ah, waa Inaanka Sababtiisa loo wareejiyey Haamihii Kaydka Shidaalka oo Lacag dulsaar ah Per-bermil ku leh, waxanu khidmad ku qaata Shay-badh xaaran ah oo wuxuu qabtaa anu jirin, waa Inaan-yar ee lagu wareejiyey dilaalka yar ee u Madaxtooyadda usoo qaado darteed Dekedda Berbera, Maantana wuxuu doonayaa inuu baro-kiciyo dadka masaakiinta ah ee Reer Saaxil, isagoo u marmarsiyoonaya saldhigga ayaa lagu balaadhinaya dhulka. Saldhigguna heshiiskiisu waa laba qodob oo ah, In Madaarka saldhig ahaan loo isticmaalo, qodobka labaadna waxa uu ahaa inay Dekedda yar samaystaan, isagoo (Safiir Baashe) mashruuc kusoo qaatay wuxuu Maanta marayaa Berbera ilaa Xeedho oo ah qiyaastii 25-Km in dadka masaakiinta ah ee Deggan la barakiciyo, Waxan Leeyahay Baashow Moorgankii rasmiga ahaa ee Ina Siyaad Barre qabay qoxoonti ayuu ku dambeeyey, adiguna Walaahi hadii dawlad cadaalad ahi dhalato Jeel-baad ku dambayn..”.

Geesta kale, Xildhibaanku Shirkiisa Jaraa’id, waxa uu kaga digay cawaaqib-xumadda ka dhalan kartaa hadii in awood lagu qaato dhul dad muwaadiniin ahi leeyihiin oo ku yaala waqooyiga xeebta Berbera, sidoo kalena waxa uu fariin u diray dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil, isagoo yidhi: “..Umadda reer Saaxil waxaan leeyahay Wareegtooyin aan la garanayn meel ay ka socdaan ayaa idinku soo fool leh, markaa ha u hoggaansamina, xukuumadani way cuntay karaamadeedii, haybadeediina way cuntay, sharafteediina way cun, markaa maha wax Xukuumad loo aqoonsado. Umadda Dastoor ayaa kala haga kiina way jiidhay oo waxay rabtaa inay fadhataysato oo hantidii guud iyo dhismayaashii way dhammaysay wax u hadhayna ma jiraan Waar Nin Walowba Baloodhkaaga sharcigiisa gacanta ku hayso, gacanta kalena ku diffaaco, mar hadday Karaamadeedii lumisay uma aqoonsanin dawlad. Masuuliyiinta gobolka Saaxil kasoo jeedana xilkoodii way gabeen, waayo waxay u habranayaan Inaan –yar oo wuxu qaranka ka yahay aanay jirin, Baashena waxaan leeyahay Ubbo Waqtigeeda haysataa sallaaxa ayey jebisaa, Inaanka (Baashe) wuxuu haysaa Shaan-bad iyo saxeex lumay oo u umadda ku baabinayo..”.

Hadalka Xildhibaanka oo odhah ahaan u muuqday mid ku talo-gal ah, ayaa marka loo eeggo mudada kooban ee ka hadhay xilka Madaxtinimo ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu noqon karaa fariin hor-dhac ah oo weliba cod dheer ku sheegaysa dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Axmed Siilaanyo, maadaama Xildhibaan Cartan oo golaha wakiiladda kusoo biiray mudadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay, waxa uu kamid ahaa xildhibaanada lagu tilmaamo kuwa u dhaggaha nugul dhawaqa qasriga Madaxtooyadda. Sidaas darteed dhawaqiisan hadda ayaa noqon kara mid dadka qaarkood u micnaystaan inaanay jirin cid laga habrada oo qof waliba wixii dhaliil uu hayo banaanka soo dhigo, balse wax waliba waxa ay ku xidhan yihiin jawaabta iyo dareenka la bixiyo hadalka Xildhibaan Siciid Cartan.

Wargayska Yool

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree