Thursday, 03 August 2017 03:01

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland waxan leeyahay marka adigu aad jabiso sharciyada dalka waa ayo cida ilaalinaysaa? Qalinkii GR.Ayaan cali warsame

Garsoorku waa   qaybta  sadexaad  ee  madaxa  banaan  waxayna   kala  yihiin    sadexdan qaybood ee hoos ku qoran
Golaha  Fulinta    oo  ah  madaxwaynaha   iyo  golihiisa  wasiirada    iyo  wixii  kale  ee  sii hoostaha.  
 Golaha    sharci dajinta   oo  ah  labada  gole  baarlamaan  guurtida  iyo Golaha  baarlamaanka.
Golaha   sadexaad   oo ah   Golaha   Garsoorka   Sadexdaa   hay  adood     mid kastaaba  gaarkeeda  ayay   u madax banaantahay  midna mid ma    faragalinkaro   sidaasi  ayuu  mid kastaaba  shaqadiisa  ugu  madax banaan  yahay  ismana    fara  galinkaraan  dastuurka  ayaana   kala  xadeeyay  awoodohooda.
Hadaba   akhriste  waxa  dhacay markii  ugu   horaysay    waxa  dhacday   in  la jabiyay   madax banaanidii   sadexdaa    qaybood ee  ay dawladu  ka koobantahay     waxana   ku   kacay      sharci   jabintaasi    Guddoomiyaha   Maxkamada  sare    ninkaasi  oo  aan   ahayn  nin  khibrad  badan  u leh   xaaladaha     garsoorka    sababtuna  waxa weeyi  waligii    manoqon  garsoore   maxkamadeed    kumana  shaqayn  garsoore  nimo  maalin  kali ahna    ha  ahaatee    waa  sababtaa   sababta  keentay   in uu  jabiyo  sharciyadii  dalka     waayo  waxa   uu  ahaa    isaga  shaqadiisu  macalin jaamacadeed  qofka  noqonaya    Guddoomiyaha   maxkamada  sare   waa  in uu  noqdo  qof  dagan  oo  masuul  ah  oo   jawaabkasta  oo uu bixinayo  ay noqoto  mid uu  muddo   ka fiirsaday    hadii  uu talaabo qaadayana   waa  in  ay noqotto   talaabadaasi   mid  looga  garaabo qaadisteda  laakiin    waa  in  aaanay  noqon    mid   jabinaysa   sharciga   dalka 
Hadaba   akhriste   waxa  aad  ii ga    yaabisay  arin   waligay aanan  ku arag    sharciyada   dalka   qofka     Guddomiyaha  maxkamada  sare  ah   waa   masuulka   ugu  sareeya  ilaalinta   sharciga   meel loo dhaafi  karaana  majirto   hadana  iyada  oo  ay sidaasi tahay     waxa  jirta  guddi la  yidhaahdo  guddida    cadaalada    go,aan  guddi   ayay ku soo saaraan   hadii   garsoore   la  eryayo iyo  hadii   la  anshax marinayo    kaligii  go,aan  ma  gaadhi  karo  hadii  la magacaabayana   kalidii  go,aan uu  ku magacaabo   ma  gaadhi karo.
Guddomiyaha   maxkamada   sare   waxa   uu   uqoray   warqado   maxkamadaha   gobolada   Awdal   iyo  saaxil  8/12/2016   warqadaas   oo  uu  ku amrayo  in  ay  joojoyaan qaadista   kiisaska    dhulka    wixii  ka  danbeeya    maalintaa     wixii   kiisas  ah  ee  ay  hayaana  ay ku wareejiyaan  Guddiyada  Kagarnaqa   Dacwadaha   dhulka  ee  goboladaas    iyada    oo  la raacayo    xeerka   la yidhaahdo  xeer.No. 17/     oo  soo  baxay  2001    xeerkaas  oo  qodobkiisa   28  aad   uu  dhigayo  wixii  maran dhul ah  waxa    awood uleh qaadistooda  guddidyadaa  loo  aas  aasay   sidaasi  ayaana    lagaga  wareejiyay    maxkamadihii       sidaasi  ayaanay   ku socotay  shaqadoodii     Guddidyadaana  waxa ay hoos tagaan oo maamusha   wasaarada  arimaha   guddaha   la xisaabtankooda  eryidooda  shaqa  ka joojintooda    waxa  ma suul  ka ah     wasiirka   wasaarada   arimaha  guddaha   cidkasta  oo  kale  way  ka madax banaan yihiin    mana  fara  galin  karto,  muddada  Guddidadaasi dhulka  ay  halgaleen  waxa  laga nastay  dacwadihii  dabada  dheeraa  ee   maxkamadaha   sanadaha  ka socon jiray    waxaana meesha  kabaxday dhulkii   la isku dili   jiray 
Waxa   dhacday   faragalin  qaawan  oo  uu  ku kacay   guddomiyaha   maxkamada  sare   waxa  uu   qoray  warqad  uu  kaga  joojinayo    guddida  dacwadaha  dhulka  ee   Gobolka  Awdal   dhamaan   kiisaskiina  waa  in aad  ku wareejisaan  maxkamada   gobolka  awdal  warqadaas  oo ku taariikhaysan 14/07/2017   labada  war qadood  waxa   u dhaxeeya  muddo    ugu  badnaan  lix bilood  ah    waxan  aad  ula  yaabay  lix bilood   kiis  maxkamadu  maku   dhamaysay  maba   dhicin waligeed  kiis  maxkamadi  ku dhamaysay  muddo lix bilood ah  .  hadaba   su aashu waxa   weeyi  is waydiinta  ubaahani     awood ma  uleeyahay in  uu  ka joojiyo ?  waa maya   ja waabtu  ma maamulo mana  hoostagaan waana  sharci daro  in uu  warqad  nuucaas ah   uu qoro  waxayna   noqonaysaa    shaabad  ku calaamad san waligii  inta  uu noolyahay   aadan   waana  qofkii  ugu  horeeyay     isaga  oo  gudoomiha  maxkamada  sare ah   sharci  jabiya    hadii   arintaa  sida  ugu  dhakhsaha  badan  uu  uga  noqon waayana  waxay noqon doontaa    arin  khatarteeda  leh     sharciyada  wadankana   khal khal  badan  galindoonta  ceebteedana   way  yeelan doontaa.
 
Ayaan cumar <This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.;
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree