Tuesday, 22 August 2017 03:05

Midka mid Ah Dadka Qaadku Wakhtiga kalumiyay laakiin hada isciil kaambiyay Qiso Na dhexmartay

Midka mid Ah Dadka Qaadku Wakhtiga kalumiyay laakiin hada isciil kaambiyay Qiso Na dhexmartay

Axmedaw inaadeer

Aamuskaan ku raagee

Aad IGA Dareentay

Oohin Weeye xalay

Aan Maqlay Alaylki

Anoo Goob LA yuururo

Meel lagu Asaasaqay

Edeg Qaad Agmarayaan

Hadal Aan layaabay

Ninun Aamus Diido

Adimada Hinjiyayoo

Calaacal istaadho

Is canaananaayoo

Wakhtiguu idleeyay

Jidhka uu gabooshay

Fidmadaduu Abuuray

Oo Awaadhtamayaan

Axmadaw agmarayo

Wixii Arami haysay

Aan kula Wadaage

Hadii Aan Tibaaxo

Eraygiisu waakane

Bal ila Dhegayso

Aqaladan Agteena Ah

Waxan olol ka baxaya

Ardaayadan holcaaya

Jahawareerkan Abidkii 

Lagu Arag Aduunyada

Uuradan Alwaysee

Cirka Sare u Aadee

Soo Alambakhaysee

Awrlooga Guuriyo

Aag looga Yaacaba

Lagu Hayn Agteenaa

Waa Maxay ibtiladani

Ma intaan Abraaree

Afka Qaad Ku guraye

Ushaydaa dhilaayee

Reerahan Agtayda ah

Abriska U ahaaye

Qabyaalad Alkumayee

Ma intaan Arwaaxdaba

Iskala Sareeyee

Aarka Iska Dhigaayuu

IGA tegeyba Aadmigi

Ma intaan Agtaydaa

Aafada u haystaa

Aalado LA yaableh

Aduunkii Samaystay

Goormuu Asaagay

Arladan Dusheena ah

Darooniskan Aamusan

Diyaaradahan ordaaye

Aduunkiiba Koobay

Agab Aanan Aragoo

Qalab Aayatiinliyo

Nigliyar Onkadayiyo

Afdhuubyadan hawada galay.

Awoodan Isaaray

Goormay Adeeraw

Askartan Tabcaysiyo

Aduunkii idhaafay

Ma intaan Afruuree

Afka aan fadhaayu

IGA tegay Asaagay

Ma intaan Abaalaw

Adhigayga Cunayee

Oorida dilaaye

Ubadkayga diintiyo

edebta Aanan soon barin

Hadba Awr udiraye

Dadkan Aag LA joogo

Eed IGA tirsanayee

Amaan aan udiide

Anoo aan danaynayn

Arladaan Ku noolahay

Ujeedkan u joogo

Saw kan Edegyar

Igu Xidhay Asaagay

Aduunkuba hajooge

Amar kii ilaahay

Qaadkii iwaalay

Aakhiro i Seeji

Diintii ilaaway

Anoo Aan Salaadiyo

Adinkaa Ajiibin

Wali Baran Asbaaboho

Akhriskii Quraankiyo

Ku Ashqaraarin diinto

Sunayaasha Aan Badin

Ma Anigoon Ducayno

Adkaartii Badnayd iyo

Laylka aanan oogin

Ashahaada Aan Qirin

Ayaa Malakul mawtki

Intuu istaago

NAFTA Aayar saari

Ma Anoo Xan Aan jirin 

Dire dire Ahaan jiray

Xoolaha Agoomahana

Waligay Akuli jiray

Aan ka biqin ibtilo iyo

Inkaar waalid leeyahay

Baan Aakhiro tegaaya

Qaadaw Abaaldaranaw

Awaaro nagu Adkeeyaw

Raga IGA Agreebaw

Afaryo toban Raac

Oo Kala Dambeeyay

Asaagay idhaafshaw

Mindidaan isdarayaw

Ambalaasna Saaraw

Soomaali Aasaw

Hogdheer Ku Awdaw

Cudur Aanla Sheegin iyo

Aydhis Lagu Talaalyaw

Kaadidii Ibliisaw

Umadaad badhlaysee

Inta badana waashay

Inta Cudur dahsoon iyo

Caydha Aad u saartaan

LA murugo ooyayaaye

Shaydaan Soo Ordaayaw

Awliyo ka nixiyaw

Milyan Alif Habaar

Lagusoo Afuufyaw

Indhahaan furaayay

Amuurtan u jeeday

Jeel igu Adkeeyaw

Aakhiro iseejaw

Hadii Aan Baraarugay

Wakhtigaa is gurayaan

Inta Aan ka Gaadho

Arladaad Arkaysid

Inta Aan ka Joogo

Imikaan Tabcanayaa

Aan Dhisi Dalkaygaa

Dhirtii Aan idleeye

Aan kuu Shidaayay

Beledkaan Abaar iyo

Saxaraha u Saaran

Dib usoo unkanayaa

Beero Aad layaabtoo

Debed Aanka maarman

Soo abuurayaaye

Macdan Aanad Arag iyo

Baatrolkan Aabudhan

Khayraadkan ilaawan

Usamaysan Aalado

Imikaan LA Baxayaa

Ubadkaan irdheeyan

Mustaqbal Aan udooni

Aadmigan ordaayan

Tartan Aan Ku gaadhi.

Tawbadaan ubaydhi

Albaqariyo Quraankan

Inta Hadhay Aduunka

Digrigaan  Akhriyaya

Allaahban baryaayo

Isagaan Isiin

Abaal Wacan Aduunkan 

Aakhirona Halkii Roon

abwaan garaad <This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.;

 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree