Sunday, 27 August 2017 03:31

Sababta 7 dan arimood ayey reer Awdal u doonayaan dawlad goboleed ay ku muuneeyaan masiirkooda iyo somaliland guud ahaan!! Dr.khadar-Libaaxley.

Sababta  7  dan  arimood  ayey  reer  Awdal  u  doonayaan  dawlad  goboleed  ay  ku  muuneeyaan  masiirkooda  iyo  somaliland  guud  ahaan!! Dr.khadar-Libaaxley.
Nin  ku   yidhi   I  daw  mari ,  duudsiguu   tirsanayoo   laga   daw  mariyo  Mooyee  wixii   kaleba   doogiyo   dacar   bay   ku   huriyaan.
Naxariistii   jano  rabi  hasiiyee  waa  erayadii   saadaliyihii  weynaa  ee  abwan  gaariye,
Tuducyo  kamid  a  maasadiisii  ERGO!!.
7 dan  sababood  awgood  ayey  reer   awdal  u  rabaa  dawlad  goboleed  ay  ku  muuneeyaan  masiirkooda  iyo  kan  somaliland  guud  ahaan  ba !!:-
sababta  2ba  abaal  keyd  oo  kala  ah :  ubadka  sheekhyada  ciise, Samaroon  iyo  isxaaq   ayaa  wadar  iyo  wadajir  ku  baadigoobey  xornimo  raadintii  jamhuuriyada  jabuuti;  himiladooda  oo  wada  jirtana  rabi  uu  ku  guuleeyey  xornimadii;  dawladnimadii  tisqaaday  waxa  ay  astaan  iyo  sumada  hogaaminaysa  u  garteen  in  uu   usha  u  qabto  sheekh  Ciise; ( abaal  kayd  ah);  markale  dibu  xoreyntii  somaliland  ee  gacanta  SNM - isxaaqiya  majority  kadib ;  Sh.Samaroon  2ba  dhacdo  hawlood  oo  waaweyn   ayuu   guntay  oo  uu  taariikhda  ku  muunadeeyey 1. ku  guuleysiga  daminta  dagaal  fidneedkii   sokeeye  ee  ka  dhex  qarxay  reer  Sh. Isaxaaq  dibu  xoreyn  ka  dib  taasi  oo  horseed  u  noqotay   abaal  dhiga  labaad  ee  ubadkii  Sh. Samaroon  ku  darsadeen  taariikhda  somaliland  oo  ah ( qaban  qaabada,  gogol  dhiga  shirweynihii  dhamaan  reer  somaliland  ubadka  3 dexda  sheekh  iyo  beesha  harti  ay  Borama; Sheekh  Cali  Jawhar  6 bilood  u  fadhiyeen ,  dibu   hesheesiin,  is-laab xaadhan  iyo  yagleelida  iyo  hurinta  dhuxulaha  nuurka  dawladnimada  fadhigeedu  yahay  Hargaisa  ee  hanaqaaday ,  hamuumtii  ,heeryadii  iyo  tabaalaha  diifta   tii  siyaad  barana   maydhay!!  dibu  xoreyntii  dalka  talladeeda  nalama  wadaajin  isaaq   baa  kalidii  dhexda  ku  martay  rabina  uu  ku  guuleeyey  inkasta  oo  dhawr  mujaahid  reer  awdal   ahaayeen  oo  uu  mujaahid  C/raxman  aw  cali  u  weynaa!!;( abaal  keyd ka  labaad)  dawladnimada  hargaisa  ee  Sh.isaxaaq  midhaha   nuurkeeda  ka  soo  shitay  wallaalkii  hooda-same  Sheekh  samaroonka  Borama ;  ku  darsoo  waliba  in  kabadan  88%  dawladaa  waxa  laf  dhanaan, seed  iyo  muruqba  ka  munaafacaad  sada  kaliya  ubadka  Sh.isaxaaq ; (  ubadka  sh.Samaroon  sababta  labadaa  abaal  ee  ay  horey  ugu  galeen  ubadka  sheekh  Ciise  iyo  Sheekh  isaxaaq  dartood  waxa  ay  rabaan  dawlad  goboleed  laga  yagleelo  gobolka  AWDAL  oo  somaliland  ah  oo  ay  wada  dhistaan  ubadka  sheekhyada  Samaroon, Ciise  iyo  Isaaq ).
sababta  madaxda  reer  Awdal  mataleysa  ee  Hargaisa  joogta  oo  weyd  aan  dux  iyo   dubaax  toona  la  hayn  ah :  tan  iyo  1993  mansabyada  reer  awdal  matalaya  waxa  ay  yihiin  kuwo  aan   gabno  dhiiqistoodu  yartahay  oo   badi   xataa  maqal  koris  toona  la  hayn; wey  dhacdaa  xabad-xabad  ayro  ah  oo  dhiiqaya  oo  cawri-gaf  ahaan  loogu  dhex  milixeeyo; hayeeshee  taasina  waxay  u  caano    shubtaa  haybta deegaanada   caasimada  ee  dawladu  fadhido;  iska  dhisid  iyo  habrasho  ama  mid  ay  tahayba;  waxase  caado  noqotay  marwalba  gaabis  iyo  dirqi  in  ay  ugu  lismaan  cidii  xaqa   ku  la hayd  ee  ay  wax  ku  ahaayeen;  wasiirada  beesha  dhexe  ee  tunka  waaweeyn  mashaariicda  waxqabad  waxa  ay  geeyaan  deegaanadooda; Awdal  iyo  reer  Awdal  se  ayaankoodu  wuxu  god  dhigay  si  iyo  sabab  ay  tahayba;  xaqa  xillalka  wasaaradaha  gudhan  ee  ka  gudhan  mashaariicda;  sidee   bay  Awdal  iyo  reer  awdal  horumar  u  hiigsanayaan?  Horumarka  ku  eeg ( caynaba  illaa  Gabiley ?? Boramana  curada  ku  ah??  saw  faras   lug  kulama  daba  socdaan ??.
Wasiirada   reer  awdal  ka  mashruuc  yar  hella  waa  laga  xaffaa  ama  dafaa- qaataa;  sababtoo  ah  saameynta  deegaanka  iyo  wallaalahooda  ay  la  joogaan;  waatuu  abwaan  gaariye  la haa ( Sidii    gaalka  loo  diray  ragga   rag  ah  daruurahaa  dabeyshaa  u  rimisee  xaggayaga   duduuciyo   ducashey   ku  fooshaa!! )
Sababta  Xaafad  gaara  La’aan  shiyaha  caasimada  Hargaisa  ee  reer  Awdal:  caasimada   hargaisa  4 teeda  jiho  iyo  xaafadaba  waxa  yaala ( majority  Beesha  dhexe ,  tani  waxa  ay   sumad  iyo   astaan  u  tahay  laxaadka  awooda  dawladnimo  in  ka  badan  88%  + degsiimada  caasimada =  nuur  kii  sheekh  isaxaaq  !!  isku  fuuqsiga  waxaas  oo  dhan  waa  sababta  tabashada   mar-walba  hoosta  ka  nool  sidii  dhamiil  dab  ah,  saluuga  dawladnimo  iyo  yabaalka  ku  gadaaman;  hayeeshee  ay  lagama  maar-maantahay   in  la  jiheeyo   yuhuunta   indhahan   illayska   hargaisa   ka  baxaya  soo  eegaya   ee  aan  waxbadan  uga  dawo  aheyn  iyadoo  aaney   tallada  iyo  tollnimada  guud   aaney   wiiqmeyn;  waa   sababta  reer  awdal  dawlad  goboleed  ubadka  3 dexda  sheekh  listaan   ku  yaqleelaan;  somaliland  inteeda  kalana  liskaa  ay  wadaajiyaan .).
 sababta  sheekh  dhexe  muhiimad  u  leeyahay  darteed :  diintu  siday  dhigayso  umuur  oo  dhan  dhex-dhexaad  ayaa  u  khayr  badan;  degsiimo  ahaan   dhuleedna  saddexda  sheekh   dhexda  waxa  ku  jira  sheekh  Samaroon;  saddexda  sheekh  jaantuus  ahaan  waxa  ay  yihiin  ( saddex  xagal  isku  yaal !!  sax  waxa  ah  in  saddexduba  iftiimaan  oo   illayska  iyo  nuurku  iswada  gaadho;  sababtaa  darteed  awdal  laga  yagleelo  dawlad  goboleed  somaliland  oo  dhan  anfacda).
Dawlada ingiriis ee gumaysi illaaleedka u aheyd somaliland waxa ay iyada lafteedu ka kooban tahay ( 4 dawladood , EGLAN,SCOTLAND, IRLAND iyo WALES; oo dhamaantood isku noqda UK , united kingdom iyo great Britain; federal government!! dawlad kaliya guud ahaan isu noqda ) sababta ay horey ugu kala baxeena ay tahay sad-bursi iyo tabashooyin dhexdooda ka dhacay ugu danbeyntiina 4 dawlad goboleed oo wada jira in ay noqdaan ku heshiiyey; waayo kala tagid kala lulasho ayaa dhaanta!!! ingiriis oo kaliya maaha waxa hab maamul siyaasadeedkan oo kale u qaabeysan dunida wadamo badan oo ay tusaale u yihiin wadamadan somaliland darisa la’ah; sidaa darteed reer awdal tiiha ay kujiraan iyo tabashada ay cidkale u daba fadhiisanayaan masiirkooda iyo baahidooda waxa ay haakah ka odhanayaan oo kaliya reer Awdal oo u dareera hab xikmad iyo miyir qab ku jiro yagleelida Dawlad gobolood ay ku illaaliyaan ( their identity ); qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.
Dhaqan ahaan sabankii soomaalidu reer guuraaga aheyd marka ay geedi iyo hayaanka ay ku furaan meel-san reeraha; ugu horeyn gaashaan qaadka iyo odayada reeruhu waxa ay soo wada oodi jireen dudo ama xayndaab  ood  guud ah  oo lagu soo weegaarayo dhamaan reeraha  si  libaaxa  iyo  colkaba  u  wada  ogaadaan, oo u taagan xuduuda guud ee somaliland  maanta ; reerahaasi soo degay dabadeedna reer waliba waxa uu masuul ka ahaa qoqobihiisa ama inta uu gaar ahaan u sii degayo; dhanka uu gurigiisa u jeedinayo, halka uu ka dhigayo albaabka xoolaha iyo dadkiisuba marayaan, halka uu qalwada iyo edega waxaraha iyo nirgaha ka dhigaayo waxaasi oo dhan qoys waliba wey u madax banaanaayeen maamulkooda iyo tasarufkooda gaar ahaaneed; waxa kaliya ay wadaagi jireen waxyaabaha guud sida ( difaaca reeraha, duulaanka iyo gulf kicinta, qaraamaadka, iyo dhamaan hawlaha guud oo dhan)   waa  maxay  talladan  waxwalba  hargaisa  ku xidhanyihiin?? markuu dhaqan keenii suubanaa kaa yahay inaga oon caqligeena caayeyn reer awdal waxa ay ka mid yihiin reerahaa badan ee ku jira xayndaabka guud ee somaliland balse waxay rabaan in ay u madax-banaanaadaan masiirka dadkooda iyo qoqobahooda gaarka ah; qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.
7. soomaali meel ay joogaan ba maanta qabiil guud oo waliba dawlad ayuu samaystay u adeegta danahooda , difaacda sharafkooda iyo jiritaankooda !!! sababtaa darteed samaroon ma sumad laawe sidig in uu cidkale u ahaado  miyaa  loo  abuurey? maya !! maya !! maya !! reer awdal oo dhan wey gayaan gobonimo iyo sharafka kamaqan ee dawladnimo ah  ee  ay  tabayaan  qof ahaan waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa ( after research ) in awdal dawladnimo 100 % isku bixin karto!!!.
 Isha  laaca   arkaysa  iyo  Gunaanad: 
Oromadu  waa  qabiilka  ugu  badan  dawlada  itoobiya ,  caasimada  addisababa  oromada  ayaa  iska  leh;  waxa   ay  ogolaadeen  mar   hadii  ay  itoobiya  ugu  badanyihiin,  caasimadiina  leeyihiin,  si  dawlada  itoobiya  u  noqoto  mid  sii  wada  jirta  oo  waarta;  in  loo  taliyo   oo  laan-gaabyada  kale  ay  u  taliyaan;  somaliland  beesha  dhexe  waxa  ay  qaadatay   awoodii  dawladnimo  iyo  caasimadii , ma  rabaan  in  lagu  qordiyo  wax  sidaa  u  sii  ridan,  taasi  waa  sababta   beelaha   u  bixinayaan  dareemada  taban  ee  dabka  cas  ah;  soo  jeedintaydu  waxa  ay  tahay  si  is-jacaylka  ,  walaaltinimada  iyo  somaliland  u  sii  wada  joogto  dastuurka  ha  la  furo; oo  ha  lagu  daro;  dawlad  goboleedyo  darifyada  ah,  waayo   waxa  aynu  u  baahanahay  in  aynu  u  noolaano  sida  wadamada  geeska  afrika ( Ethiopia ,somalia, UK, U.S.A).
Cid  nacayb  iyo  xumaani   cidna   iima  hayso,  reer  somaliland  oo  dhan  wanaag  iyo  qadarin  buuxda   ayaan   u  hayaa,  waayo  waa  inta  aan  ka  hido  beermay  dhamaantood;  sabab  aan  u  qoonsadaayi  ma  taalo,  dareenka  jiraayi  waa  xisaabtan  walaalnimo  kaliya.
Dr.khadar -Libaaxley
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Regional political analysts
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree