Tuesday, 12 September 2017 16:57

Dalka Turkiga Oo Ruushka Ka Soo Iibsanaya Gantaallada Difaaca + Erdogan Oo Sheegay In Uu Dalkiisu Bixiyay Carbuuta Gantaaladaasi

12/09/2017(BNN) Dalka Turkiga Oo Ruushka Ka Soo Iibsanaya Gantaallada Difaaca + Erdogan Oo Sheegay In Uu Dalkiisu Bixiyay Carbuuta Gantaaladaasi

 

 

Dawladda Turkiga ayaa sixiixday heshiis muran dhaliyay oo ay Ruushka kaga soo
gadanayso lidka diyaaradaha ee S-400, si ay ugu xoojiso ciidammadeeda.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu bixiyay carbuunta heshiiskan oo lagu qiyaasay 2.5 bilyan oo doolar.
Image result for S-400 missile system in action 2017


Turkiga ayaa leh ciidammada labaad ee ugu badan ee Gaashaanbuurta Nato, dalalka xulafada ku jirana waxaa lagu booriyay in ay iibsadaan hub kuwaas u dhigma.

Turkiga ayaa calaaqaad dhaw la yeeshay Ruushka wixii ka dambeeyay markii uu xumaaday calaaqaadkii ay la lahaayeen Maraykanka.

Turkiga ayaa ka soo horjeeda taageerada Maraykanka ee jabhadda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya.

Ruushka ayaa sheegay in hannaanka S-400 uu gaadhi karo 400km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.

Ruushka ayaa S-400 ku rakibay saldhigiisa ciidamma cirka ee ku yaala meel u dhaw magaalada Latakia ee dalka Suuriya bishii Disembar ee 2015kii, ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ay soo rideen diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo nooceedu ahaa Su-24, taas oo maraysay xadka Suuriya iyo Turkiga.

Arrintaas ayaa horseeday muran dublamaasi oo dhex maray Ruushka iyo Turkiga, laakiin madaxweyne Erdogan ayaa meesha ka saaray madmadawgii soo kala dhex galay madaxweyne Vladimir Putin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree