LOGO3ABDUU

Wednesday, 13 September 2017 01:25

Wafti Balaadhan Oo Ka Kooban Salaadiinta Iyo Waxgaradka Beesha Garxajis (ISAAQ) Oo Maanta Borama Imanaya Iyo Muuse Biixi Iyo Salaadiintiisa Oo Isna Maanta Borama...

13/09/2017 (BNN) Waxaa maanta magaalada Borama ee Caasimada Awdal kusoo jeeda wafti balaadhan oo ka kooban salaadiin salaadiin Iyo waxgaradka beesha Garxajis (Isaaq) oo Borama socdaal maalmo ah ku joogaya.

Waftigani beesha Garxajis ayaa Boramanews loo sheegay inay u socdaan hawlaha doorashada Somaliland,waxayna waxgaradkani kulamo la qaadan doonaan salaadiinta iyo waxgaradka Beelaha Gadabuursi ee Galbeedka.

Waftigani ayaa ujeedadooda lagu sheegay inay beelaha Galbeedka ka codsadaan inay codkooga iskugu geeyaan una hiiliyaan musharax Cabdiraxman Ciro Iyo Amp Maxamad Cali oo u tartamaya doorashada Somaliland.

ilo wareedo ku dhaw salaadiinta galbeedka oo Boramanews la hadlay ayaa sheegay in beesha Garxajis abaal u hayaan oo markii Musharax Daahir Rayaale xukunka u ordayay ay codkooga siiyeen Madaxwaynihii Rayaale ee kasoo jeeday galbeedka,waxaana la filayaa in waxgaradkaasi deegaanadaasi kala soo noqdaan warfarxad galiya.

Dhanka kale wafti uu hogaaminayo Muuse Biixi iyo salaadiin beesha Habar Awal ah oo iyaguna la filayay inay Borama yimaadaan Maanta oo Khamiis ah ayaa Boramanews loo cadeeyay in ay ka warheleen socdaalka beesha Garxajis isla markaana iyagu socdaalkoogii Borama dib u dhigeen ilaa maalinta Axada ah.

Musharixiinta kursiga Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhamaantood ka soo jeeda beesha dhexe waxayna mid walba raadinayaan inuu awooda codka galbeedka uu isagu cantoobsado,waxaana Muuqata in tartanka ugu adagi xisbiyada ku dhexmari doono deegaanada Galbeedka oo aqlabiyadoodu isla imikaba meel cad taagan tahay.

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree