Wednesday, 13 September 2017 11:19

Madaxweynaha Dalka Brazil, Michel Temer Oo Eedaymo Ujeediyay waaxda cadaaladda Ee dalkiisa Sheegana In Ay Musuqmaasuq U Adeegsanayso In Ay Ku Burburiso Sharaftiisa.

13/09/2017 ( BNN) Madaxweynaha Dalka Brazil, Michel Temer Oo Eedaymo Ujeediyay waaxda cadaaladda Ee dalkiisa Sheegana In Ay Musuqmaasuq U Adeegsanayso In Ay Ku Burburiso Sharaftiisa.

 

Madaxweynaha dalka Brazil, Michel Temer ayaa waaxda cadaaladda ee dalkiisa ku eedeeyay in eedaymaha loo soo jeediyay ee musuqmaasuqa ay u adeegsanayso in ay ku burburiso sharaftiisa.
Hadalka Temer ayaa yimid saacado uun ka hor markii maxkamadda ugu sarraysa caddaaladda ay fasaxday in madaxweynaha lagu sameeyo baaritaan cusub oo musuqmaasuq.
Madaxweynaha iyo siyaasiyiin kalaba waxaa hadda ku sii socday baaritaanno kale oo musuqmaasuq.
Xafiiska madaxweyneTemer oo warka ka soo hormariyay go'aanka maxkamadda ayaa dhaliilay baaritaanka cusub musuqmaasuqa.
Maraykanka oo joojiyay dhammaan hilibkii Brazil uga iman jiray
Baaritaanka musuqmaasuq ee ugu wayn dalkaas ayaa wadanka dhexdiisa laga dhahaa Operation Car Wash, waxaana lagu sheegay musuqmaasuq meeshii ugu sarraysay gaaray.
Dadka baaritaanka lagu hayo muddada saddexda sano ah waxaa ka mid ah, labo madaxweyne oo hore.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree