LOGO3ABDUU

Wednesday, 13 September 2017 12:00

Bangiga Amal Bank Oo Itaxaan KaQaaday Dhalinyro Isugu Jira Wiilal Iyoo Gabdho Oo Gaadhaya Ilaa 12O Dhaliyoro Shaqo Doon Ah

13/09/2017 ( BNN) Bangiga Amal Bank Oo Itaxaan KaQaaday Dhalinyro Isugu Jira Wiilal Iyoo Gabdho Oo Gaadhaya Ilaa 12O Dhaliyoro Shaqo Doon Ah

 

Bangiga Amal ayaa imtixaan ka qaaday 125 qof oo shaqo doon ah, kadib markii maamulka Amal bank ay soo dhejiyeen shaqooyin ka bannaanaa bangiga.

Dadka imtixaanka u fadhiistay ayaa isugu jiray gabdho iyo wiilal, iyadoo goobta uu imtixaanka ka socday ay goob joog ka ahaayeen Sh C/raxmaan Maxamed Abshir oo ah Madaxa waaxda shaqaalaha ee Bangiga amal xaruntiisa dhexe, Dr. Maxamad Faahiye Ciise oo ah madaxa Amal Bank ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari, maamulaha hormarinta ganacsiga Amal Bank ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari Jaamac Ciise Maxamuud iyo madax kale .

Shaqaalaha ayaa u tartamayay todobo boos oo bangiga ka bannaan, waxa uuna imtixaanka ka dhacay magaalooyinka Bosaso iyo Burtinle.

Dr. Maxamad Faahiye Ciise oo ah madaxa Amal Bank iyo Amal Express ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in sida caadada ah bangiga uu soo bandhigo shaqooyinka ka bannaan si dhalinyarada ay ugu tartamaan.

…Runtii dadkeena waan ku kalsoonahay, haddii ay noqoto ardaydeena dalka wax ku bartay, waxaan u rajeenayaa tartamayaasha guul ayuu yiri Dr. Maxamad Faahiye Ciise.

Hal ku dhiga Amal Bank ayaa ah “Hamiladeenu waa hormarkaaga”.

Amal Bank wuxuu dugsadaa taariik fac weyn oo dib ugu laabanaysa dhammaadkii qarnigii la soo dhaafay.

Wuxuu Amal Bank si rasmi ah uga diiwaan gashan yahay Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Bangiga Amal waxaa hawlwadee ka ah xeel dheerayaal qaarkood ay leeyihiin khibrad dhanka bangiyada ah oo sare u dhaafaysa 30 sano

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree