LOGO3ABDUU

Wednesday, 13 September 2017 12:32

WAR DEG DEGA:Oromada Itoobiya Oo Gumaad Foolxun U Gaysatay Shacab Soomaali Ah Dhimashada Oo Kor U Kacday 53 Qof Iyo Maydadka Oo Loo Qaaday ...

13/09/2017 (BNN) Waxaa soo kordhaya khasaaraha weerar Oromadu u gaysteen Somaali ka ganacsata Qaadka Iyo kuwo safar ahaa deegaanka Hawadaay ee Jaadka laga soo guro war imika nasoo gaadhay ayaa sheegaya in dhimashadu gaadhay 53 qof oo iskugu jira ganacsato rag u badan oo jaadka ka shaqaysta iyo kuwo safar ahaa oo dhamaantoodna Soomaali ah.

Maydadka dadka lalaayay oo gudun iyo seefo qaarkood lagu gumaaday jidhkoogana lagu googooyay ayaa loo qaaday cisbataalada Herer iyo Diredhaba.

Oromada Weerarka gaysatay ayaa la sheegayaa inay aargoosi weerarkaasi u qaadeen,lamana sheegin wali wax talaabo ah oo xukuumada Itoobiya qaaday,Waxaana goobjoogayaal Boramanews u cadeeyeen in dhimashadu intaasi ka badan karto walina la raadinayo dad maqan geeri iyo nolo.

Xafiiska Wararka BNN

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree