LOGO3ABDUU

Wednesday, 13 September 2017 12:31

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fadaraalaka Somaliya Xasan Cali Kheyre Oo Ka Qeyb Qalaya Shirka Sanadlaha Qaramada Midoobey

13/09/2017 ( BNN) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fadaraalaka Somaliya Xasan Cali  Kheyre Oo Ka Qeyb Qalaya Shirka Sanadlaha Qaramada Midoobey

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Todobaadka soo socota u kicitimaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qeyb galayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu waday in shirkan uu ka qeyb galo markii u horeysay isagoo Madaxweyne ah, ayaa uga baaqday sababo aan la shaacin.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Axada ee soo socota uu u duuli doono magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey uu ka jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo is bedeladii dalka ka dhacay horaantii sanadkan, kaddib doorashadii Madaxweynaha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay New York kaga qeyb galaya shirar gaar gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhinac furmaya shirka Golaha guud, waxaa uu kaloo la kulmi doona Madaxda kala duwan.

Ugu dambeyn shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa looga hadli arrimaha ka taagan caalamka, arrinta qatarta Waqooyiga Kuuriya ee tijaabinta gantaalada iyo arrimo kale.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree