Wednesday, 13 September 2017 13:11

DEG DEG:Dawlada Israel Iyo Wadanka Carabta Ugu Awood Badan Oo Noqonaya Wadamada Ugu Hor Aqoonsanaya Kurdistan Marka Aftida Bishan Iska Qaadaan

13/09/2017 (BNN) Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Raysalwasaaraha Israel Binyamin Natanyahu ayaa lagu sheegay in aftida Kurdistan tahay mid dhab ah isla markaana Israel aqoonsanayso dawlad Kurdistan leedahay oo ka dhalata waqooyiga Ciraaq.

Raysalwasaare Natanyahu ayaa sheegay in wadankiisu PKK ka dagaalanta Turkiga ay u aqoonsan yihiin argagixiso balse Kurdistanta Ciraaq yihiin dad u qalma inay aayahooda ka tashadaan.

Warbaahinta Carabta ayaa qaarkoodna qoray in Israel iyo Sacuudigu heshiis ku yihiin in Ciraaq lakala gooyo Kurdistana loo aqoonsano Dawlada Madaxbanaan.

Dhaxalsugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa asbuucii lasoo dhaafay socdaal dhuumasho ah ku tagay wadankaasi Israel taasi oo warbaahintu ku sheegtay mid isbaahaysi qotodheer oo Sacuudigu kula macaashayo Yuhuuda,Waxaana farta lagu fiiqay arinta Kurdistan,Iran Iyo Yemen.

Wadanka Turkiga oo Kurdistan u arka halis amaankooga kusoo wajahan ayaa ka digay dawlad halkaasi ka dhalata waxaana ay sheegeen in Ciraaq halis ugu jirto dagaal sokeeye oo dabodheeraada.

Xafiiska Wararka BNN

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree