Wednesday, 13 September 2017 13:47

Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Codka Uu Ka Helayo Awdal Sheegayna In Saylici Cidba U Codaynaynin Dadkaasina Coleebeen Kana Joojiyeen Inuu Ka Ololeeyo Galbeedka Isgauna..

13/09/2017 (BNN) War naga soo gaadhaya xafiiska Xisbiga Kulmiye ee Muuse Bixi ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu Saylici ka joojiyay inuu ka ololeeyo Galbeedka.

MUUSEEEE

Muuse Biixi oo la hadlay qaar ka mida masuuliyiinta Kulmiye ayaa sheegay inay shacabka Awdal isaga dhagaysanayaan balse ay kala dhinteen Saylici.Waxaana uu sheegay in uu kaligii iyo odayaal ku laabanayo Borama beelwalbana uu ka codsan doono inay codka isaga siiyaan.

Siyaasi ku sugan Hargeysa oo Boramanews wax ka waydiisay sobobta Muuse Biixi u diiday in Saylici ka Ololeeyo Awdal ayaa sheegay in Muuse Biixi been isku sheegay isla markaana Saylici kaga wanaagsan yahay Galbeedka waxtar muuqdana ka hirgaliyay deegaanadaasi intii uu xukunka joogay inkastoo awoodiisu koobnayd hadana wuu dadaalay,balse Muuse Biixi shacabka Awdal ka dheregsan yihiin in uu qayb ka ahaa gumaadkii SNM ka gaysatay Borama Iyo Dila,Gawricii Seemaal Iyo Jidka Gabilay iyo qaybtii uu ku lahaa muranka doorashadii Saylac dhulbalaadhsiga uusan la xishoon,markaasi waxaan ku odhan lahaa Saylici iyo dadkiisa Muuse Biixi ukala warami maayo,e isagu waxba ka helimaayo,e ha,iska joogo Hargeysa.

Isku soo wada duuboo Muuse Biixi ayaa lagu wadaa in maalmo soo joogo Borama isagoo sii kaxaysanaya Salaadiinta Beeshiisa lamana oga waxa uu kala soo laaban doono galbeed.

Cabdiraxman X.Xussen (Suul)

Hargeysa/Boramanews

 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree