Wednesday, 13 September 2017 14:21

WAR DEG DEGA:Muuse Biixi Oo Socdaal Qarsoodiya Kaga Baxay Somaliland Dalka Uu U Socdaalay Iyo Ujeedada Oo ....

13/09/2017 (BNN) Musharaxa madaxweyne ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kaga dhoofay safar qarsoodi ah oo warbaahinta laga qariyey.

Gudoomiyaha ayaa safarkan waxaa uu ugu baxay dalka Imaraadka Carabta halkaas oo ay ku sugan yahiin wafti Wasiiro ah oo ay ka mid yahiin Wasiirada Madaxtooyada , Qorsheynta iyo Maaliyada isla markaana kulmo la qaadanaayey masuulyiinta shirada Dp World.

Ilo ka agdhaw xafiiska Muuse Biixi oo Boramanews la hadlay ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Xukuumada Siilaanyo Iyo Muuse Biixi raadinayaan dhaqaale dawlada Emaratka Carabta Iyo shrkada DP World ka raadinayaan oo ololaha doorashada ku isticmaalaan.

Wasiirka Madaxtooyada IYo Wasiirada Maaliyada Maxamud Xaashi Iyo Samsam ayaa la sheegay inay u yeedhaan Muuse Biixi sidaasina uu ku tagay,Lama sheegin in socdaalku yahay muranka iyo shaqada istaagtay ee DP World ee Berbera,balse waxaa la cadeeyay dhaqaale Emaratka laga codsaday inuu Kulmiye ka gargaaro doorasahada Somaliland.

Cabdiraxman X.Xussen (Suul)

Hargeysa/Boramanews

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree