LOGO3ABDUU

Wednesday, 13 September 2017 14:20

Hogaamiyihii Isbaahaysiga Mucaaridka Jabuuti Ee USN Oo Ku Geeriyooday Dalka Faransiiska Iyo Aas Loogu Qabtay Dalkaasi..

13/09/2017 (BNN) Axmed Yuusuf Xaamud,hoggaamiyihii Isbahaysiga Mucaaridka Jabuuti ayaa ku geeriyooday dalka France kaddib markii maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay dalkaasi.

Axmed Yuusuf

Axmed ayaa Bishii August ee la soo dhaafay la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Quimper ee Galbeedka Faransiiska halkaas oo uu ku jiray Isbitaal wax looga qabanayay xaaladdiisa Caafimaad hayeeshee uu ku dhintay maalintii Axadda ahayd.

Maki Huubed oo ka mid aj wakiillada Isbahaysiga USN ee mucaaridka Jabuuti ayaa sheegay in Axmed Yuusuf oo ku geeriyooday da’da 79aad.

Waxaa uu sheegay in lagu aasay shalay oo Talaado ahayd Qubuuraha Muslimiinta Magaalada Quimper ee Dalka France halkaas oo ay aaskiisa uga qeyb galeen xubno ka mid ah Isbahaysiga Mucaaridka ah ee dalka Jabuuti.

Axmed waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Isbaheysi ka kooban 7 Xisbi oo la bahay USN,kuwaas oo la aas aasay Bishii January 2013kii,waxaana uu tan iyo xilligaas ahaa hoggaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka ah ee Dalka Jabuuti.

Xafiiska Wararka BNN

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree