Thursday, 14 September 2017 08:54

Ugu Yaraan 25 Ruux Oo Arday Iyo Macalimiin Ay Ka Mid Yihiin Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Madariso Islaami Ah Oo Lagu Hoydo Oo Ku Taalla Caasimmada Maalaysia ee Kuala Lumper

14/09/2017 (BNN) Ugu Yaraan 25 Ruux Oo Arday Iyo Macalimiin Ay Ka Mid Yihiin Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Madariso Islaami Ah Oo Lagu Hoydo Oo Ku Taalla Caasimmada Maalaysia ee Kuala Lumper

 

Ugu yaraan 25 arday iyo macalimiin ayaa ku dhintay dab ka kacay iskuul islaami ah oo

lagu hoydo, kaasi oo ku yaalla caasimmada Kuala Lumper ee waddanka Malaysia.

Dabka oo ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur'aanka kariimka oo lagu magacaabo Ittifaqiyah ayaa kacay aroortii hore ee saakay.

Tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ayaa ah 23 arday iyo laba waardiye, Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa u sheegay sidaasi wakaalaada wararka ee AFP.


Waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa sheegtay in gawaarida dab-damiska ay gaareen goobta daqiiqado gudahooda.

7 qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen, waxaana lasoo samatabixiyay 11 qof oo kale.

Waxaa la baarayaa sababta dhalisay inuu dab ka kaco iskuulkan. Ardaydaan ayaanan da'dooda wali la shaacinin

Ardayda ayaa waxka barta xarumaha noocaan oo kale oo loo yaqaano iskuulada barashada Qur'aanka kariimka iyo xifdintiisa.

Xafiiska wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree