Thursday, 14 September 2017 09:16

Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Xasuuqa Lagu Sameeyey Muslimiinta Dalka Myanmar Ee Rohinga

14/09/2017 (BNN) Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Xasuuqa Lagu Sameeyey Muslimiinta Dalka Myanmar Ee Rohinga

 

Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay
barakacinta lagu hayo bulshada Rohingya ee dalka Myanmar mid isir sifeyn ah.
Isaga oo Arbacadii wariyaasha kula hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayuu Guterres sheegay in sadex marki loo qeybiyo bulshada Rohinga qeyb ay ka carartay dhulki ay daganaayeen. Wuxuu intaasi raaciyay in erayga kaliyah ee lagu qeexi karo waxa halkaasi ka socdaa uu yahay isir sifeyn.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Myanmar inay joojiso howlgalada miltari ee ay ka waddo gobolka Rakhine ee ay ku badanyihiin muslimiinta Rohingya.

Wuxuu kale oo uu ka dalbaday dowlada in ay gobolka kusoo celiso sharciga iyo kala danbeynta isla markaana ay u ogolaato dadka la barakiciyay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu saacaha soo aadan go,aan kasoo saaro arrinta Myanmar.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree