LOGO3ABDUU

Friday, 13 October 2017 09:01

Maraykanka Iyo Israel Oo sheegay In Ay Ka Baxayaan Hay'adda Qaramada Midoobay u Uqaabilsan Dhaqanka Ee UNESCO Oo Ay Ku Eedeeyeen In Ayn Taageerin Israel.

13/10/2017 (BNN) Maraykanka Iyo Israel Oo sheegay In Ay Ka Baxayaan Hay'adda Qaramada Midoobay u Uqaabilsan Dhaqanka Ee UNESCO Oo Ay Ku Eedeeyeen In Ayn Taageerin  Israel.

 

Maraykanka iyo Israel ayaa sheegay in ay ka baxayaan hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen in ay ka xagliso Israel.
Wasaaradda arimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaadhaankii ku waajibay ee ururkaa la siin jiray kaga jawaabay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay'addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.
Ra'isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay go'aanka Maraykanka mid geesinimo leh isla markaana damiirka san waafaqsan.
Madaxa UNESCI, Irina Bokova, ayaa ka xumaatay go'aankaa, weriye ka tirsan BBC-duna wuxu sheegayaa in go'aankani tusaale u yahay dhaleecaynta madaxweyne Trump ku hayo qiyamka iyo dhaqaalaha dalkiisu siiyo hay'adaha Qaramada Midoobay.


Xafiiska Wararka BoramaNews
Borama News.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree