Friday, 13 October 2017 09:06

Trump Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Baxo Heshiiskii Quwadaha Shanta Ahi Lagaleen Dawlada Iran Ee Nukliyeerka

13/10/2017 (BNN) Trump Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Baxo Heshiiskii Quwadaha Shanta Ahi Lagaleen  Dawlada Iran Ee Nukliyeerka

 

Xog-hayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa wadatashi la lahaa dhiggiia reer Yurub iyo Shiinaha ka hor inta aanay soo bixin warbixin laga filayo madaxweyne Trump oo ku saabsan heshiiskii nukliyeerka.
Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in Tillerson madaxdaa uu la kulmay talo wadaag ula tagay oo uu soo jeedintoodana dhegaysanayo.
Waxa jira walaac mug leh oo ay xulufada Washington qabaan kaas oo ah in ay Trump odhan karo in aanu diyaarba u hayn in la meel mariyo heshiiskaas oo Iran ku aqbashay in ay hakiso barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadana cunaqabataynta saaran badhkeed laga qaado.
Trump, ayaa se heshiiskaa ku tilmaamay mid ba'an oo xun, laakiin xulufadiisa iyo xubno ka tirsan maamulkiisu waxay sheegeen in ay Iran dhinaceeda ka fulisay heshiiskaa, waxaany isna ku boorinayeen in uu arinkaa uu damacsanyahay ka fiirsado.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree