Friday, 13 October 2017 14:29

[Akhriso ]:- Maalinta Uu Si Rasmi Ah U Bilaabi Doono Olalaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland Iyo Sida Ay Xisbiyadu U Kala Horeyn Doonan .

13/10/2017 (BNN)[Akhriso ]:- Maalinta Uu Si Rasmi Ah U Bilaabi Doono Olalaha Doorashada Madaxtooyada Somaliland Iyo Sida Ay Xisbiyadu U Kala Horeyn Doonan .

 

Waxaa muddo bil ah inaga xigtaa doorashada madaxtooyada Somaliland oo la
filaayo in ay dalka ka dhacdo13.11.2017 , taas oo ay ku tartami doonan saddexda xisbi ee Kulmiye , Waddani iyo UCID .

Sidoo kale waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaabi doono olalaha doorashada madaxtooyada Somaliland kaas oo xisbi waliba uu olale sameyn doono muddo 7 cisho ah .


Olalaha ayaa waxaa uu si rasmi ah u bilaabi doono 21.10.2017 oo ku beegan maalinta Sabtida ee todobaadka soo socda .

Waxaana maalinta ugu horeysa ee olalaha doorashada ku furmi doona xisbiga Mucaaridka ah ee UCID , waxaa ku xigi doona isla maalinka Axada xisbiyada muxaafidka ah ee Kulmiye halka uu ugu danbeyn doono xisbiga mucaaridka ah ee Waddani .

Olalahan ayaa socod doona Muddo 21 cisho ah ka dibna laba maalmood ka dib waxaa toos loogu dareeri doona cod bixinta sida ay guddida doorashooyinku qorsheyen


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree