Friday, 13 October 2017 14:48

Dowladda Fadaraalka Somaliya Oo Shir Deg Deg Ah Isugu yeedhay Madaxda maamul Goboleedyada Ka Jira Dalka

13/10/2017 (BNN) Dowladda Fadaraalka  Somaliya Oo Shir Deg Deg Ah Isugu yeedhay Madaxda maamul Goboleedyada Ka Jira Dalka

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku casuuntay Madaxda maamul goboleedyada inay shir deg deg ah isugu yimaadaan magaalada Muqdisho dhamaadka bishan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Madaxda maamul goboleedyada loo diray casuumaad inay yimaadaan Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in baaqii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ayuu sheegay in Golaha Wasiirada ay soo dhoweeyeen.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay casuumaad rasmi ah u direen Madaxda dowlad goboleedyada, si looga hadlo xiriirka iyo wada shaqeynta”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ka soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob, waxaana ay muujiyeen tabashooyinka ay ka qabaan Xukuumadda iyo sida aanu xilligan u wanaagsan xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree