LOGO3ABDUU

Wednesday, 06 December 2017 16:01

Dawlada Turkiga Oo Ku Dhawaaqday Shir Deg Deg Oo Lagaga Hadlayo Arinta Magaalada Qudus Oo Uu Maraykanku Damacsanyahay In Uu U Aqoonsado Caasimada Yahuuda

06/12/2017 (BNN) Dawlada Turkiga Oo Ku Dhawaaqday Shir Deg Deg Oo Lagaga Hadlayo Arinta Magaalada Qudus Oo Uu Maraykanku Damacsanyahay In Uu U  Aqoonsado Caasimada Yahuuda

 

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 13ka Bishan Dcember uu dalkiisa marti gelinayo shir weyne Caalami ah oo Waddamada Dunida Muslmka ay ka qeybgelayaan.
Shirkan ayuu sheegay in looga hadlayo go’aanka Mareykanka ee Magaalada Quddus oo uu Trump shaaciyay in uu u aqoonsanayo caasimadda Israel.
Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Ibrahim Kalin ayaa Maagalada Ankara maanta ka sheegay in Shirkaas lagu mideynayo mowqifka Waddamada Muslimiinta ah si ay uga hortagaan go’aanka Trump laga filayo.
Madaxweyne Erdigan ayaa horay u sii sheegay in haddii Mareykanka Magaalada Barakeysan ee Quddus u aqoonsado caasimadda Israel uu xiriirka u jarayo Israel laftirkeeda.
Inta badan Caalamka ayaa Mareykanka uga digay in uu ku fududaado go’aanka Safaaraddiisa Israel uu ku geynayo Quddus caasimadda Israelna ugu aqoonsanayo magaalada Barakeysan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree