LOGO3ABDUU

Saturday, 09 December 2017 10:15

Wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Jaamacada Carabta Oo Maanta Shir Ka Arinsanya Arinta Qudus Iyo Somaliya Oo Ka Qayb Galaysa Shirkaasi

09.12.2017 (BNN) Wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Jaamacada Carabta Oo Maanta Shir Ka Arinsanya Arinta Qudus Iyo Somaliya Oo Ka Qayb Galaysa Shirkaasi

 

Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Jaamacadda Carabta ayaa Maanta kulan ka leh Falcelinta Go’aankii Madaxweyne Trump ee uu Caasimadda Israel ugu aqoonsaday Magaalada Barakeysan ee Qudus.

Wasiirada ka qeyb galaya ayaa badi la socday Madaxweynaal ku shiray Magaalada Sharmal-Shiikh ee Dalka Masar kuwaa oo ka qeyb galay Shirka Ganacsiga Afrika ee Magaaladaasi ka qeyb galay.

Dowladaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Maanta kulmaya ayaa kasoo horjeystay in Qudus ay tahay Caasimadda Isreal, waxaaana lagu wadaa in Shirkooda ay diiradda ku saaraan sidii ay Mowqif Mideysan ugu soo saari lahaayeen.

Soomaaliya waxaa u matalaya Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khudbadii Gaba-gabada ee Shirkii Ganacsiga Afrika ka hadlay.

Wasiir Garaad ayaa Sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Jaamacadda Carabta ee Maanta shiraya ay Qaraar ay ku muujinayaan in Qudus aanan aheyn Caasimadda Isreal ay kasoo saari doonaan.

Madaxda Wadamada Islaamka ayaa isku Diyaarinaya ka qeyb galka shirka Turkiga ka dhacaya 13-ka Bishaan oo uu marti gelintiisu leeyahay Rajab Dayib Ordegan Madaxweynaha Turkiga, loogana hadlayo Arrimaha Qudus, wadamada Islaamkane ay u badan tahay in Ay Xiriirka u jaraan Mareykanka iyo Isreal, sida uu ku goodiyey Madaxweyne Ordegan kahor go’aankii Madxweyne Trump.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree