LOGO3ABDUU

Saturday, 09 December 2017 10:36

DAAWO: Madaxweynaha Ruushka Vladamr Putin Oo Booqday Goobaha Laga Soo Saaro Gaasta Dabiiciga Ah Ee Ku Yaala Dalka Ruushka

09.12.2017 (BNN) Madaxweynaha Ruushka  Vladamr Putin Oo Booqday Goobaha Laga Soo Saaro Gaasta Dabiiciga Ah Ee Ku Yaala Dalka Ruushka

 

Madaxweynaha dalkaasi Ruushka ayaa booqday goobaha laga soo saaro Gaasta dabiiciga ah ee wadankaasi caanka ku yahay.
Madaxweynaha ayaa safarkiisaasi ku tegey goobahaasi, isaga oo kulan balaadhan la qaatay shaqaalaha ka hawl gala halkaasi, waxa kale oo uu dib u eegis ku sameeyey halkii mashruucaasi kasoo bilaabmay iyo maanta halka uu maraayo.
Madaxweyne Vladamr Putin ayaa sidoo kale ka codsaday dawlada Sucuudiga inay ka iibsadaan Gaastaasi ay soo saaraan, kadib kulan uu la qaatay wasiirka Tamarta ee wadanka Sucuudiga.
Ruushka ayaa Gaastan u iibgeeya wadamo badan oo qaaradda Yurub ah, kuwaas oo si weyn u isticmaala, dhaqaale aad u badana soo geliya dalkaasi Ruushka

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree