LOGO3ABDUU

Saturday, 09 December 2017 14:35

Dawlada Masar Oo Maanta Muqdisho Soo Gaadhsiisay Deeq Daawooyin Ah Dad Dhaawacyo Ahna U Qaaday Dalka Masar Si Halkaasi Loogu Soo Daweeyo

09.12.2017(BNN) Dawlada Masar Oo Maanta Muqdisho Soo Gaadhsiisay Deeq Daawooyin Ah Dad Dhaawacyo Ahna U Qaaday Dalka Masar Si Halkaasi Loogu Soo Daweeyo

 

Diyaarad laga leeyahay Dalka Masar islamarkaana wadday deeq Dawo ah ayaa maanta soo caga dhigatay Magaalada Muqdisho,waxaana markii ay Dawada wareejisay kaddib qaadday dhaawacyo wali ku jira Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ay la socdeen wakiilo ka socday Dowladda Masar ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay 5Tan oo Dawo ah,oo ay dowladda Masar ugu deeqday Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Diyaaradda ayaa Dalka Masar u qaadday ku dhawaad 20 Qof oo ka mid ah Dadka ugu daran ee dhaawacyadii 14kii iyo 28kii October ka dhacay magaalada Muqdisho,kuwaas oo qaarkood wali ku xanuunsanaya Isbitaallada qara ee Muqdisho.
Guddiga Gurmadka Qaran ee musiibadii October ayaa dhimashadii ugu dambeysay ee weerarkii 14kii October waxaa ay ku sheegeen in ay gaartay 512 Qof,kaas oo ka dhigan weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee mar qura ka dhaca Soomaaliya.

Dowladaha Turkiga, Qadar,Imaaraadka,Kenya iyo kuwo kale ayaa Deeq Dawo ah keenay Muqdisho Bishoo November halka kuwo kalena ay qaadeen dhaawacyada kuwii ugu darnaa iyada oo qaar la daweeyay dib loogus ooc eliyay Muqdisho sida kuwii looq aaday Turkiga oo 9 ka mid ah la daweeyay.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree