LOGO3ABDUU

Saturday, 13 January 2018 08:54

HARGEYSA:Madaxtooyada Somaliland Ee Hargeysa Oo Laga Waayay Dukamantigii Heshiiska Emaratka Ee Saldhiga Berbera Iyo Maxamud Xaashi Oo Ka Yaabiyay Muuse Biixi

13/1/2017 (BNN) Warar kasoo naga soo gaadhaya Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi laga waayay waraaqihii heshiiska ee saldhiga Milateri Somaliland kula gashay Emaratka Carabta oo lagu saxeexay Magaalada Abudabia.

mkx

Warkani ayaa sheegaya in dhawaan Hargeysa si qarsoodi ah ku yimaadeen wafti ka socda Emaratka Carabta oo Madaxwayne Muuse Biixi kala xaajooday  hirgalinta heshiiska Saldhiga Milateri ee Emaratka Carabta.Madaxwayne Muuse Biixi ayaa la sheegayaa in uu dalbaday in la horkeeno heshiisyadii saldhiga Berbera ee Eamaratku la galeen xukuumadii Siilaanyo warqahaasi oo laga waayay xafiiskii Siilaanyo ayaa ugu damayn la waydiiyay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi,waxaana la sheegayaa in Maxamuud Xaashi sheegay in waraaqahaasi xiligii kala guurka madaxtooyada uu geeyay gurigiisa isla markaana gurigiisa Ku gubteen dhawaan.Baashe Morgan oo ah wakiilkii Siilaanyo ee Emaratka ayaa isna laga waayay wax nuqul ah oo uu hayo.Gubashada guriga Maxamud Xaashi ayaa siyaasiyiin badani farta ku godeen sheegeena in wax lagu qarinayo dabkaasi ka kacay guriga wasiirkii hore oo dad badan shiki galiyay.

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa la sheegayaa inuu ka warhelay in xaalada Madaxtooyadu faraha Siilaanyo kujirin sadexdii sanno ee ugu dambaysay isla markaana waxba ka ogayn hawlaha Baashe Morgan ,Maxamud Xaashi Iyo Aamina Waris ka wadeen Madaxtooyada Somaliland.

In Kabadan 109 shaqaale ah oo u badan qaraabada Siilaanyo oo ka hawlgali jiray Madaxtooyada ayaa imika shaqada laga eryay 84kalena waxaa loo qaybiyay wasaaradaha waxaana Boramanews loo cadeeyay 109ka la eryay inay qaarkood wax aqoon ah lahayn balse mushaarka ku qaadanayeen in la dirdirsado iyo inay wararka suuqa usoo gudbin jireen Marwada Siilaanyo Ee Amaina Waris.

Shacabka Somaliland ayaa si wayn ula dhacsan talaabooyinka Maamul wanaaga ah ee Madaxwayne Muuse Biixi ku dhaqaaqay isla markaana ku sifeeyay beelaha Jeegaanta oo lama taabtaan ahaa.

Cabdiraxman X Xasan (SUUL)

Boramanews/Hargeysa

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree