LOGO3ABDUU

Saturday, 13 January 2018 09:07

Shaqaalaha Somaliland Oo Mushaar Helin Bishii Labaad Oo U Bilaabatay Iyo Cabasho Kasoo Yeedhaysa Shaqaalaha Dawlada+Sobobta Oo Laga Waramay

mipp13/1/2017 (BNN) Dhamaan guud ahaan shaqaalaha Somaliland ayaa bishani hilin wax mushaar ah marka laga reebo milateriga.Mushaar la,aantani ayaa durbaba waxay culays saartay shaqaalaha Xukuumada oo markii horeba la daalaadhacayay mushaar yaraan iyo sicirbararka waxyaalaha daruuriga ah ee nolosha oo qaaliyoobay.

Shaqaalaha Somaliland ayaa qaarkood mushaar la,aanta ku micneeyay lacag la,aan ka jirta xaga xukuumada oo la sheegay in qasnadihii xukuumada la faaruqiyay markii Madaxwayne Muuse Biixi xilka la wareegayay.

Wasiiradii hore ee Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ayaa iskaga baxday dalka imikana ku sugan Cariga Ingiriiska oo ay hore u daganayd.

Xukuumada Cusub ee Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwayne Muuse Biixi ayaa bilowday taalaabooyin meesha looga saarayo shaqaale mushaarka iska qaadanayay oo wax shaqo ahna u haynin dawlada waxaana socda kala sifaynta iyo kala haadinta shaqaalaha runta ah iyo kuwo fadhiga kumacaasha.

Cabdiraxman X Xasan (Suul)

Hargeysa/Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree