borama 250x250

ABDUU

Saturday, 13 January 2018 08:48

Dhakhaatiir Baadhay In Uu Madaxwayne Trump Maskax Ahaan Caafimaad Qabo Iyo Natiijado Kasoo Baxday Oo Shaaciyeen

13/1/2017 (BNN) Dhakhtarka gaarka ah ee aqalka cad ee looga arrimayo dalka mareykanka ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu caafimaadkiisu yahay mid wanaagsan.
Dhakhtarkan ayaa baadhitaankii caafimaad ee ugu horreeyay ku sameeyay madaxwaynaha.
Ronny Jackson,oo fuliyay baardhitaan qaatay saddex saacadood ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in baaritaanada ay si wanaagsan u dhaceen.
Dhakhtarkani lagu magacaabo Jackson ayaa lagu wadaa in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo maalinta Talaadada xaaladda caafimaadka ee madaxwaynaha.
Baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyay madaxwayne Donald Trump ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr jeer su'aalo laga keenay caafimaadkiisa dhanka maskaxda.Buug dhawaan la soo bandhigay ayaa waxa lagu sheegay in maskaxiyan uusan madaxwayne Trump fiyoobeen.
Buugga waxaa diyaariyay Steve Bannon, oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad, wuxuuna qeexayaa sidoo kale in "la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay" uu ahaa "khiyaano".
 
Xafiiska Wararka BNN
Boramanews.com
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree